SKIP TO MAIN CONTENT

Malaysia oo fashilisay doon tahriibayaal wada oo Australia usoo dhaqaaqaysay.

Malaysia oo fashilisay doon tahriibayaal wada oo Australia usoo dhaqaaqaysay.

Australian Map
Source: SBS

1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar



Skip to article content

Warar hoose  oo laga soo xigtay Bilayska Federaalka ee Australia, ayaa waxa ay  sheegayaan, in dowlada Malaysia ay fashilisay koox dadka tahriibisa oo qorshaynayay in ay dad u qaadaan Australia ama New Zealand, iyagoo sadex ka midaa kuwii dadka tahriibinayey la qabtay.

Kooxdan ayaa todobaadkii oogu horeeyay ee bisha January 2019, waxa ay qorsheeyeen isku day ah in ay dad gaadhay 34 qof, soo tahriibiyaan, iyagoo dadkaas u balan qaaday – sida wararka lagu sheegay -  in ay laba wadan mid uun gaynayaan, Australia iyo New Zealand.

Dadkaas  oo 34 qof ahaa, ayaa waxaa ka mid ahaa 11 dumara , iyo 7 caruura,  iyadoon wali la qeexin jinsiyadaha ay kala ahaayeen.

Ra’iisulwasaare Scott Morrison, ayaa tilmaamay in Australia ay u baahantahay siyaasad xoogan oo ku aadan dhanka ilaalinta xuduuda, isagoo dhanka kalena soo cusboonaysiiyay weerarka ku aadan xisbiga Laborka, taasoo la xidhiidha dhanka aragtidooda ku aadan ilaalinta xuduuda Australia.

Dhankiisa hogaamiyaha mucaaradka Bill Shorten, ayaa dhankiisa ku eedeeyay isbahaysiga wadanka xukuma in ay ku boorinayaan kuwa dadka tahriibiya in ay isku daye kale sameeyaan.


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now