Turnbull oo lagu wado in uu iska casilayo xubinimada baarlamaanka todobaadkan dhexdiisa.

Turnbull oo lagu wado in uu iska casilayo xubinimada baarlamaanka todobaadkan dhexdiisa.

Former Prime Minister Malcolm Turnbull

Former Prime Minister Malcolm Turnbull conducts is farewell press conference at Parliament House in Canberra Source: AAP

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Australia Malcolm Turnbull, ayaa lagu soo waramayaa in uu kaga dhabaynayo go’aankiisii ahaa in uusan fadhiisanaynin safka danbe ee isbahaysiga wadanka xukuma, hadii uu jagadiisa waayo.

Wararka soo baxaya ayaa tibaaxaya in Malcolm Turnbull, uu todobaadkan dhexdiisa ku go’aansanyahay in uu iska casilo xubinimadiisa baarlamaanka, kadib markii ay hogaamintii wadanka iyo Xisbigiisaba lagaga guulaystay.

Malcolm ayaan isagu ku qanacsanayn in uu sida Tony Abbott oo kale , in uu safka gadaal kasoo galo, halkaasna uu mooshinada kasoo abaabulo.

Tony Abbott - oo isagu uu  Malcolm Turnbull, ka qaaday Ra’iisulwasaaranimada  kadib baratan uu kula galay hogaaminta wadanka -  ayaa isagu u muuqday nin soo badh aarsaday, isagoo Abbott ahaan la rumaysanyahay in uu kaalin laxaad leh ka ciyaaray riditaankii Malcolm Turnbull.

Abbott ayaa la sheegayaa in gabadh walaashiisa ah  uu u ololaynayo in ay hesho kalsoonida xisbiga ee dhanka ubaratanka kursiga lagu wado in uu baneeyo Malcolm Turnbull ee magaalada Sydney.

Dhinaca kalae, talaabadan uu Malcolm Turnbull, ooga tagayo baarlamaanka , ayaa culays weyn ooga dhigan Ra’iisulwasaaraha cusub Scott Morrison, iyo isbahaysigiisaba, iyadoo ay waayayaan halkii kursi ee aqlabiyada ahaa mudada doorashada ku celiska laga qabanayo, loona tooga hayni doono cidii kusoo bixi doonnta doorashada ku celiska ee Kursiga uu baneeynayo  Ra’iisulwasaarihii hore Malcolm Turnbull.


Share

Published

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand