Malcolm Turnbull will not contest next leadership Spill

Australian Prime Minister Malcolm Turnbull speaks to the media during a press conference at Parliament House in Canberra, Thursday, August 23, 2018.  (AAP Image/Lukas Coch) NO ARCHIVING

Prime Minister Malcolm Turnbull is refusing to resign. Source: AAP


RW malcolm Turnbull ayaa sheegay inuusan markale isusoo taagidoonin hogaanka xisbiga Liberalka uuna sidoo kale gabi ahaanba iskaga tagayo baarlamaanka haddii shirka barrito oo jimca ah hogaanka cid kale loo doorto.

Laakiin wuxuu sheegay inuu marka hore xildhibaanada Liberalku ay doonayaan inay talo ka qaataan qareenka guud ee dawlada oo ay ogaadaan in Peter Dutton uu xaq u leeyahay inuu baarlamaanka kusii jiro iyadoo maalmahan aad loo hadal hahay xiriirka uu la leeyahay xarumo caruuta lagu hayo oo bilaabay inay dawlada deeqo ka qaataan laga bilaabo bishii lasoo dhaafay ee July..

Mr Turnbull ayaa sidoo kale doonaya inuu arko warqada la sheegay inay saxiixeen 43 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Liberalka oo lagu doonayo in kulan la qabto.

Hadalka RW iyaa imanaya iyadoo 13 wasiir ay iska casileen golaha wasiirada iyo iyadoo ay jiraan baaqyo lagu dalbanayo in kulan degdeg ah la qabto.

Mr Turnbull ayaa sidoo sheegay inuu ka xun yahay warar sheegaya in ninka xilka ku haystaa uu ololihiisa ku wado qaab hanjabaad iyo cagojuglayn ah.

[["Waxaan aragnaa ayuu yiri hadda dadaalo ulakac ah oo xisbiga Liberalka dhinaca midig loogu jiidayo. Kacdoonkan oo ay dad tiro yar bilaabeen ayaa si cagajuglayn ugu qasbay dadka in qaabka kaliya oo lagu joojin karo kacdoonkaan inuu yahay inaad isdhiibto oo aad ku biirto"

 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand