KEY POINTS
- Malcolm X's daughter has accused agencies of concealing evidence relating to her father's assassination.
- Ilyasah Shabazz said she seeks $145 million in damages.
- The US civil rights activist was killed in 1965 as he prepared to give a speech.
Gabar uu dhalay Malcolm X oo ahaa nin u dooda xaquuqda dadka madow ee Maraykanka oo la dilay 58 sano ka hor, ayaa gudbisay ogaysiis ay ku sheegtay inay ku talo jirto inay dacwo ku soo oogaysa FBI, CIA, iyo booliska New York City oo ay ku eedaynayso dilkii aabeheed.
Ilyasah Shabazz ayaa ku eedaynaysa hay'ado kala duwan oo ah kuwo federal ah iyo kuwo gobolka New York inay si wax is-dabamarin ah u qariyeen cadamayma ahaa inay fuliyeen shirqoolka iyo qorshaha lagu dilay Malcolm X.
"Sanado badan ayay qoyskayagu u dagaalamayeen in dibada la soo dhigo runta la xariirta dilkiisa," ayay Ms Shabazz ka sheegtay shir jaraa'id oo ay ku qabatay goobtii lagu dilay aabeheed, oo hadda ah taallada Malcolm X.
Taliska booliska New York ayaa ka gaabsaday inay arintan ka hadlaan iyaga oo sheegay inaysan doonayn inay ka hadlaan dacwada soo socota.
FBI iyo CIA ayaan iyaguna ka jawaabin codsiyo looga doonayay inay kaga jawaabaan arintan.

Malcolm X ayaa ku soo caan baxay markuu afhayeen u noqday ururka Nation of Islam, oo ahaa urur ay leeyihiin Muslimiinta Madowga Maraykank oo ku doodayay maamul u gaar ah dadka madowga ah.
Wuxuu ka mid ahaa kooxdan mudo ka badan 10 sano, wuusa ka niyad jabay kadib isagoo si toos ah uga goostay 1964 tii isago sidoo kale waxooga qafiifiyay aratiyadiisii ku saabsanaa in dadku midabo u kala soocmaan, taas oo ka caraysiisay xubno ka tirsan Nation of Islam, looguna hanjabay dil.
Wuxuu jiray 39 markii 3 nin oo hubaysan ay toogteen isaga oo taagan masrax uu ku diyaarinayay qudbo uu ka jeedin lahaa New York's Audubon Ballroom 21 February 1965.
Ms Shabazz, oo markaas 2 sano jir ahayd ayaa goobta kula sugnayd hoyadeed iyo gabdo kale oo walaaleheed ah.
Wax yar kadib dilkii Malcom X, shaqsiyaad ku dhawaa ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in hay'ado dawlada ka tirsan ay ogaayeen qorshaha lagu qaarajinayay ninkan aysana ka hortagin.
Talmadge Hayer, oo markaas xubin ka ahaa Nation of Islam ayaa maxkamad ka hor qirtay inuu ka mid ahaa dadkii dilka fuliyay.

2021, xaakinka maxkmad ku taal gobolka New York ayaa tuuray xukun hore loogu riday labo nin oo si qaald ah mudo badan xabsi ugu jiray dilkii Malcolm X, isago xaakinku sheegay in cadaalad daro lagu xukumay nimankan.
Hayer ayaa waligiis sheegi jiray in labadan nin aysan danbi lahayn iyo dadlkii dilka la fuliyay isaga ay ahaayeen xubno kale oo ka tirsaan Nation of Islam.
