Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Maamulahii shabakada warbaahinta ABC, Michelle Guthrie, oo Jagadii laga qaaday.

Maamulahii shabakada warbaahinta ABC, Michelle Guthrie, oo Jagadii laga qaaday.

ABC managing director Michelle Guthrie has been sacked.
ABC managing director Michelle Guthrie has been sacked. Source: AAP

Michelle Guthrie, Maamulahii Shabkada Warbaahinta A-B-C, ee Australia, ayaa shaqadii laga caydhiyay, kadib mudo doodo ka dhex socday Golaha Sabakada ABC.

Madaxa Golaha ABC Jastin Milne, ayaa sheegay in arintani ayna ahayn mid hada bilaabatay, ayna tahay mid bilooyin dhawra doodeedu socotay, isagoo intaas ku daray in ayna danta ABC  ku jirin in ay Mechelle Guthrie, sii hogaamiso shabakada warbaahinta.

Waraysi uu siiyay Tv ga 24 ee ka tirsan Shabakada wararka ee ABC, ayaa Milne uusan ku cadaynin sababta dhabta ah ee jagada looga xayuubiyay, balse waxa uu sheegay in uusan rabin in uu tafaasiil sii dhex galo.

Dhankeeda Michelle Guthrie, ayaa sheegtay in ayna ku qanacsanayn qaabka Jagada looga qaaday, sheegtayna in aysan jirin wax dhaliila oo shaqadeeda khuseeya oo loosoo jeediyay. Michelle ayaa sheegtay in ay haatan ka baaraan dagayso in ay arintan sharciga la tiigsato.

Michelle Guthrie, ayaa jagadan loo magacaabay sankii 2016.

Warbixin arintaasi lagu xusay ayaa lagu sheegay in wariye David Anderson, uu jagadaas banaan sii hayni doono inta ay socoto geedi socodka magacaabida masuulka sida rasmiga ah u buuxin doona booskaas.


1 min read

Published

Presented by Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now