Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa meel mariyey in ciidamo Maraykana oo ku dhawaad 500 ah in dib loogu celiyo Soomaaliya.
Sargaal saroo maraykana oo magaciisa qariyey ayaa shaaca ka qaaday in dib ugu celinta ciidamada Maraykanka ee wadanka Soomaaliya in uu ka yimid wasiirka Gaashaandhiga ee Maraykanka , iyadoo madaxweyne Biden-a uu ogalaada codsigaas
Ujeedka Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ee ciidamadan dib loogu celinaya ayaa waxaa lagu sheegay “ in Maraykanku u baahanyahay in uu si joogta ah Soomaliya Xarun Ciidan ugu yeesho, si la dagaalanka Alshabaab uu awood u yeesho”.
Sargaalka ayaa sheegay “ in ciidamadan dib loogu celinayo Soomaaliya, in ay joogaan goobaha hawlgalka oo ayna maqnaansha buuxa ka maqneyn, iyagoo waqtina taga, hadana kasoo baxa gudaha Soomaaliya.
Kahor intii uusan Madaxweynihii hore US Donald Trump ka bixinin Soomaaliya ciidamada Maraykanka bishii January 2021, waxaa Soomaaliya joogay 700 ciidan dhan, kuwaasoo gacan ku siin jiray ciidamada soomaaliya Dagaalka ay kula jiraan dhaqdhaqaaqa Alshabaab, .
Go’aankan uu madaxweynaha Maraykanka ku qaatay in Soomaaliya ciidamo dib loo geeyo, ayaa waxa uu kusoo aaday iyadoo Soomaaliya ay doorasho madaxweyne ka dhacdey , loona doortay madaxweynihii hore / Xasan Sh Maxamuud, kadib markii uu wareegii 3aad uga guuleystay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo
Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa dhankiisa aad usoo dhaweeyay talaabadaas Biden uu qaaday, isagoo u mahadceliyey Madaxweynaha Maraykanka go’aankaas uu ku qaatay in uu Soomaaliya dib ugu soo diro ciidamo ka gacansiiya ladagaalanka Alshabaab, isagoo intaas ku daray in Maraykanku uu yahay Saaxiib laysku haleyn karo oo soomaaliya gacan ku siiya xasiloonida iyo la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada”