Maraykanka oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Belet-Hawo

US Embassy

Source: Twitter

Safaarada Maraykanke ee Soomaaliya ayaa baaq kasoo saartay dagaal u dhexeeyay ciidanka dawlada federalka Soomaliya iyo kuwa dawlad goboleedka Jubaland oo ka dhacay xadka u dhexeeya Kenya iyo Somaliya.

Baaqa ayaa lagu yiri "dhinacyada ku dagaalamayaa Beled-Xaawo iyo duleedkeeda waa inay joojiyaan iska hor imaadka."

Qoraalkan oo lagu soo daabacay barta Twitter-ka  Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay dhinacyada hogaaminaya dagaalkaas in ay dulqaad muujiyaan.


Dagaal ayaa sababay khasaare iyadoo dadka qaar ay ka barakaceen magaalada Belet-Hawo oo ay ku dhacayeen madaafiic ay is weydaarsanayeen labada dhinac ee dagaalamayay.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand