Maraykanka oo si rasmi ah Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel.

Maraykanka oo si rasmi ah Qudus u aqoonsaday caasimada Israel.

Jerusalem, Old City

epa06372030 US and Israeli national flags projected on the wall of Jerusalem's Old City in Jerusalem Source: EPA

Madaxweynaha maraykanka / Donald Trump, ayaa sidii uu hory oogu baaqay kaga dhabeeyay balamihiisii, isagoo magaalada Qudus u aqoonsaday in ay tahay caasimada Israel.

  Khudbad uu arintaasi ka jeediyay ayaa waxa uu ku sheegay in aqoonsigani uu yahay oo kaliya in dhabta la garawsaday.

Go’aankan ayaa isagu abuuray dareen weyn oo dunida ka abuurmay, iyadoo ilaa iyo haatan madaxda dunida ee go’aankan ka jawaabtay ayna soo dhaweynin, iyagoo ku tilmaamay in uu dhaawacayo wadaxaajoodkii nabadaynta ee Bariga Dhexe, ee Maraykanku udub dhaxaadka ka ahaa.

Falastiiniyiinta  ayaan iyagu soo dhawaynin go’aankan, iyagoo sheegay in maraykanku dhexdhaxaadnimadii ay ka baxeen.

Trump, ayaa sidoo kale go’aankiisaas ku daray in wasaarada arimaha dibada ee maraykanku ay ka hawlgasho, isuna diyaariso sidii safaarada Maraykanka Qudus loogu wareejin lahaa.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sideed wadan oo ka mida ay codsadeen in kulan degdega  arintaa laga qabto, iyada oo ay jirto baqdin ku saabsan in arintan ay sababi karto qalalaasooyin colaadeed oo si cusub ooga abuurma gobalka Bariga Dhexe, saameyn weyna ku yeesha dunida inteeda kale.

 


Share

Published

Updated

By Mohamed Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Maraykanka oo si rasmi ah Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel. | SBS Somali