Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Maraykanka oo si rasmi ah Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel.

Maraykanka oo si rasmi ah Qudus u aqoonsaday caasimada Israel.

Jerusalem, Old City
epa06372030 US and Israeli national flags projected on the wall of Jerusalem's Old City in Jerusalem Source: EPA

Madaxweynaha maraykanka / Donald Trump, ayaa sidii uu hory oogu baaqay kaga dhabeeyay balamihiisii, isagoo magaalada Qudus u aqoonsaday in ay tahay caasimada Israel.

  Khudbad uu arintaasi ka jeediyay ayaa waxa uu ku sheegay in aqoonsigani uu yahay oo kaliya in dhabta la garawsaday.

Go’aankan ayaa isagu abuuray dareen weyn oo dunida ka abuurmay, iyadoo ilaa iyo haatan madaxda dunida ee go’aankan ka jawaabtay ayna soo dhaweynin, iyagoo ku tilmaamay in uu dhaawacayo wadaxaajoodkii nabadaynta ee Bariga Dhexe, ee Maraykanku udub dhaxaadka ka ahaa.

Falastiiniyiinta  ayaan iyagu soo dhawaynin go’aankan, iyagoo sheegay in maraykanku dhexdhaxaadnimadii ay ka baxeen.

Trump, ayaa sidoo kale go’aankiisaas ku daray in wasaarada arimaha dibada ee maraykanku ay ka hawlgasho, isuna diyaariso sidii safaarada Maraykanka Qudus loogu wareejin lahaa.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sideed wadan oo ka mida ay codsadeen in kulan degdega  arintaa laga qabto, iyada oo ay jirto baqdin ku saabsan in arintan ay sababi karto qalalaasooyin colaadeed oo si cusub ooga abuurma gobalka Bariga Dhexe, saameyn weyna ku yeesha dunida inteeda kale.

 


1 min read

Published

Updated

By Mohamed Madar


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now