Maritime dispute between Somalia and Kenya escalates into direct diplomatic spat

Somali Kenya oil dispute

Source: Audience photo at offshore Somalia 2019 London Oil and Gas conference

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arimaha dibadda  Soomaaliya oo looga jawaabayay go’aankii ay dowladda Kenya kaga dalbatay safiirka Somalia inuu dalkeeda ka baxo, iyo tallaabadii ay ku sheegtay in Somalia ay iib geysay qeyb ka mid Badda Kenya si shidaal looga baaro.

 Dowladda Somalia ayaa sheegtay in iyadu leedahay dhulka ka muuqda maabka lagu soo badhigay shirkii London, aysana ku jirin dhul badeedka lagu muransan yahay ee dacwadiisu taallo maxakmadda ICJ.

Go’aanka dowladda Somaliyana wuxuu ka turjumaya ayaa lagu yiri qoraalka waajibaadka ka saaran inay ilaaliso midnimada dhulkeeda iyo qaranimadeeda.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay ka  xun tahay in Kenya ay sheegto xaraash lagu bixinayo bad ay leedahay, Soomaaliyana aysan xilligan kuna talo jirin in xuduud badeedka lagu muransan yahay laga iibiyo shirkado baaraya inta dacwadda badda ee taalla maxkamada adduunka kasoo dhammaaneyso. iyadoo Soomaaliya ay si buuxda ugu hoggaansami doonto go’aanka Maxkamadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo kan badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya ayaa qoraalka lagu yiri.

"Waxay ku kalsoon tahay inay xaq tahay dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war sugo go’aanka Maxkamadda".

Qoraalka ayaa lagu yiri "Wasaaraddu waxay si asluubeysan sharaxaad u siineysaa wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya, waxayna uga jawaabeysaa warqad ku wakhtiyeysneyd 8-dii Febraayo, 2019-ka, taasoo Kenya ay uga dhiidhineysay khariidadda dhul badeedka ay Soomaaliya soo calaameysatay ee ay shidaalka ku jira ku suug geysay shirkii London ka dhacay 7-dii bishan Febraayo".

"Waxaan ka war qabnaa in Kenya ay "sharci darro" u aqoonsatay meelaha ay Soomaaliya ka calaameysatay dhul biyoodka, ayna sheegtay in dhulkii lagu muransanaa saliiddiisa la beecinayo. Guud ahaan dhulka hadda shidaalkiisa la beec geeyay waa mid ka tirsan biyaha ay sida saxda ah u leedahay Soomaaliya, dowladduna waxay xaq u leedahay iney difaacdo madax bannaanideeda iyo dhulkeeda. Intaas waxaa sii dheer in dowladda Soomaaliya aysan marna iib geyneynin qorshahana ugu jirin dhul ka mid ah xadka lagu muransanyahay, ilaa inta ay go'aan cad kasoo saareyso maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, taasoo uu hor yaallo kiis ku saabsan arrinta".

Dhanka kale qoraalkan ayaa looga hadlay dhawaaqii eedeynta ahaa ee kasoo yeeray Kenya iyo tallaabadii ay dowladda Kenya ku dalbatay inuu safiirkeeda Soomaaliya fadhiyay soo laabto, danjirihii Soomaaliya ee Nairobi ku sugnaana loo diro Muqdisho.

"Dowladda Soomaaliya waxay ka xuntahay hadalkii kasoo baxay dowladda Kenya ee ku saabsanaa eedeynta ah "in Soomaaliya ay suuq geysay saliid ku jirta dhul ay Kenya leedahay". Soomaaliya waxay sidoo kale ka qoomameyneysaa go'aankii ay Kenya ku dalbatay inuu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya, iyadoo aan wax wadatashi ah la yeelanin dowladda Soomaaliya".

Maalintii Sabtidii  ayey Dowladda Kenya muujisay cabashadeeda ku aaddan suuqgeynta shidaalka ee dowladda Soomaaliya.


 


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand