Match 12
Morocco v Croatia
Morocco waxay gool la'aan ku kala baxeen Croatia oo ahayd dalkii Koobkii Aduunka ee 2018 finalka looga adkaaday.
Cayaartan ayaa waxaa ka buuxay fursado goolal lagu dhalin karay iyadoo Croatia ay kubada inta badan haysatay halka Morocco ay goolal badan sigeen. Noussair Maxraoui oo u cayaara kooxda Bayern Munich ayaa ku dhawaaday inuu gool dhaliyay.
Cayaartan ayaa noqotay cayaartii sadexaad ee tartankan oo gool la'aan ku dhamaatay iyadoo 9 cayaarood ay dhaceen, kadib markii ay Denmark iyo Tunisia ay isku barbardheceen sidoo kale waxaa kala badin waayay Mexico iyo Poland.
Match 11
Germany v Japan
Japan ayaa si cajiib u soo rogaal celisay markii gaartay guushii labaad ee lama filaan ahayd Cayaaraha Aduunka, marka ay ka yaabsadeen Germanay oo koobka qaaday 2014. Japan ayaa 2-1 ku dhufatay Germany.
İlkay Gündoğan oo u cayaara Manchester City midfielder ayaa goolkii u horeeyay ku furay cayaarta markii gool ku laad loo dhigay iyadoo 12 daqiiqo ka harsanayd qaybta koowaad ee cayaarta halka Kai Havertz gool laga diiday daqiiqadihii u danbeeyay ee qaybta hore.
Die Mannschaft ayaa inta badan kubada haystay iyaga oo 26 jeer goolka ku laaday oo 9 jeer goolka si toos ugu beegay laakiin gool hayaha Japan Shuichi Gonda ayaa si geesinimo ah u difaacay weerarka Germany.
Ritsu Doan iyo Takuma Asano ayaa labada gool u dhaliyay Japan.
Natiijada ayaa ah markii labaad ee Germany cayaaraha aduunka looga adkaado iyagoo 2018 wareegii hore ka baxay tartanka kadib markii South Korea ay 2-0 ku dhufatay.
Match 10
Spain v Costa Rica
Kadib markii si lama filaan ah looga adkaaday Germany cayaartii hore, Spain ayaa si cad u hogaaminaysa kooxda E kadib markii ay Costa Rica ku dirtay 7-0.
Dani Olmo ayaa goolkii ugu horeeyay dhaliyay 15 ugu horeeyay ee cayaarta, waxaa markiiba ku xigay gool kale oo uu dhaliyay Marco Ansensio.
Ferran Torres ayaa gool ku laad ka dhaliyay Costa Rico, kii shanaadna waxaa ku daray Gavi goolkaas oo noqday kii shanaad oo yimid daqiiqadii 74 aad.
Spain ayaa dalkan Bartamaha America ka yimid ku samir siisay labo gool oo kale oo ay kala dhaliyeen Carlos Soler iyo Alvero Morata. Costa Rico ayaan marna sigin goolka Spian waxayna kubada haysteen 18% cayaarta oo dhan.
Match 9
Belgium v Canada
Dadaalka gool hayaha Real Madrid Thibaut Courtois ayaa Canada oo markii ugu horaysay ka qayb galaysa cayaaraha aduunka wixii ka danbeeyay 1986 u diiday gool. Belguin ayaan 1-0 uga adkaatay cayaartan oo bilow u ahayd Group F.
Weeerarka Canada ayaa waxaa hogaaminayay Jonathan David iyo Alphonso Davies oo mararka qaarkood qatar galiyay Belguim ilaa ay Canada heshay gool ku laad 10 daqiiqo ee u horaysay cayaarta.
Hase yeeshee rigoorada ayaa waxaa badbaadiyay Courois oo Canada sidoo kale ka qabtay 21 jeer banooni goolka ku socday.
Inkasta oo marar badan isku dayday, Canada ayaa ku guul daraystay inay shabaqa la hesho banooniga, waxayna la kulmaysaa cayaarta xigta Croatia.