Maalintii 8 aad- Füllkrug oo Germany ka badbaadiyay Spain

Dib uga daawo dhamaan cayaarihii dhacay iyo kooxihii ka qaybgaly maalintii 8 aad: Japan v Costa Rica, Belgium v Morocco, Croatia v Canada, and Spain v Germany – SBS Sport.

Untitled design (18).png

L-R: Players from Costa Rica, Morocco and Croatia celebrate their respective wins, Germany celebrate after equaliser.

Maalintii 8 aad ee cayaaraha aduunka 2022 ayaa ahaa mid aad loogu dagaalamayay oo cayaarkasta ahayd mid aad loogu tartamay.

Match 25

Japan V Costa Rica

Keysher Fuller ayaa noqday geesiga Costa Rico markuu dalkiisa dib uga soo celiyay guuldaradii waynayd ee ka soo gaartay Spain, markii Costa Rico ay 1-0 ku dhufatay Japan cayaarta ka dhacday garaoonka wayn ee Bin Ali habeenkii Axada.

Iyadoo guul ay Jaoan siin lahayd fursad ay ugu gudubto wareega labaad, labadan dal ayaan midkoodna soo bandhigin cayaar xawlo iyo degdeg ku socota waxayna qaybtii hore ku dhamaatay gool la'aan iyadoo hal mar oo kaliya goolka la sigay.

Bilowga qaybtii labaad ayay Japan bilowday inay cayaarto mid la mid ah tii ay kaga badiyeen Germany, iyadoo weeraro dhowr ay ku dhawaadeen inay goolal kaga dhaliyeen Keylor Navas.
Laakiin daqiiqadii 81st, ayaa shabaqa ku hubsaday gool uu dhaafiyay gool hayaha Japan Shuichi- Gonda.

Difaaca Costa Rica ayaa iska caabiyay weeraro badan oo uga imanayay Japan sidaasna ugu guulaystay cayaartii u horaysay ee cayaarahan aduunka, waxayna noqdeen kooxdii 3 aad oo 3 dhibcood leh Group E oo waxaa soo raaca Spain iyp Japan.


Match 26

Belgium v Morocco

Morocco ayaa gaartay guusheedii 3 aad ee Cayaaraha Aduunka taariiqda kadib markii qaybtii labaad ee cayaarta ay Abdelhamid Sabiri iyo Zakaria Aboukhlal Belgium 2-0 uga adkaatay cayaar ka dhacday garoonka Al Thumama Stadium subixii Isniinta.

45 daqiiqo ee hore ee cayaarta Belgium ayaa si joogso qatar galinaysay goolka Morocco laakiin waxay Morocco ku guulaysatay inay iska caabiddo weerarka kadibna laad xor ah oo loo dhigay Hakim Ziyech ayaa u muuqday inuu Morroco siiyay hogaanka cayaarta laakiin waa la diiday maadaama garsooraha camerada uu arkay in Romain Saiss uu offside ahaa.

Qaybtii labaad ee cayaarta ayaa ku bilowday xamaasad cusub iyadoo Morocco dardar galisay cayaarteeda, guul ayayna ka gaareen markii Sabiri kaga nixiyay gool hayaha Belguim Thibaut Courtois markuu banooniga uga dusiyay dhinac daqiiqadii 73 aad taas oo taageeraysshii Morocco sawaxankooda farxadu garoonka is qabsaday.

Daqiiqadii labaad ee waqtigii dheeraadka ahaa ee cayaarta lagu daray ayuu guushii si fiican ugu saxiixay Morocco markuu Aboukhlal u dhaliyay goolkii labaad.

Maadaama Canada looga adkaaday cayaartii xigtay Morocco ayay hadda isku dhibco yihiin Croatia oo labaduba leeyihiin 4 dhibcood Group F.



Match 27

Croatia v Canada

Croatia waxay aduunka xasuusisay sababta ay finalkii Cayaaraha Aduunka ugu gudbeen 4 sano la hor adib markii ay cayaar wacan oo ay soo bandhigeen kaga adkaadeen Canada 4-1 sidaasna ay Canada ku noqotay dalka labaad oo tartankan ka baxaya.

Canada ayaa si fiican ku bilowday cayaarta markii uu Alphonso Davies madaxa ku dhaliyay goolkii koowaad ee taariiqda ugu horeeyay ee ay Cayaaraha Aduunka ka dhaliso daqiiqadii labaad.

Andrej Kramaric ayaa daqiiqadii 36 aad u bareejeeyay Croatia, goolkii labaadna waxaa u xaqiijiyay Marko Lavija.

Qaybtii labaad Croatia ayaa cayaartii oo dhan la wareegay iyada oo ay u muuqatay in Canada daashay Croatia na ay labo gool oo kale dhalisay.


Match 28

Spain v Germany

Daqiiqadihii hore ee cayaarta waxaa maamulayay Spain oo dhowr fursadood helay. Cadaadis adag oo Germany uga yimid ayaa ku dhawaaday inuu mira dhalo markii laad uu gamay Olmo uu Manuel Neur uu birta ku dhuftay.

Germany ayaa laga diiday gool ay dhaliyeen daqiiqadii 39 aad. Cayaarta ayaa ku dhaatay 1-1.

Germany ayaa heshay fursado badan laakiin awoodi wayday inay goolal u badasho.



Share

Published

By SBS Sport
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Maalintii 8 aad- Füllkrug oo Germany ka badbaadiyay Spain | SBS Somali