Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Maxaa kasoo baxay kulankii Jabuuti?

Djibouti Conference
Source: Twitter

Waxaa magaalada Jabuuti lagu soo gababeeyay  maalintii koowaad wadahadalo u dhexeeyay dawlada federalka Soomaaliya iyo dawlada Somaliland.

War murtiyeed ay soo saartay dowladda Djibouti ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in guddiyo farsamo ay sii wadaan wadahadallada, kuwaasi oo ka sii socon doona dalka Djibouti.

Laba dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey inaan la siyaasadeyn gargaarka horumarinta iyo maalgashiga ee caalamku siiyo Soomaaliya.

Waxa loogu baaqay dhammaan beesha caalamka in ay hannaankan wada xaajoodka taageeraan.

kulankii furitaankiisa ayaa waxaa  khudbooyin ka jeediyay madaxda ka qaybagshay shirkaasi, oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Djibouti, madaxweynaha Somaliland iyo weliba madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dawlada federalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ayaa soo dhaweeyay qabshada shirka sida baraha twitterka ay ku qoreen.

Lama oga Waqtiga  wadahadalladan lagu soo gabagabayndoono. Shirka oo ay Jabuuti martigalisay ayaa waxaa sidoo kale kor joogto ka ahaa safiiradda dawlado shisheeye ah oo ay ugu horeyaan kuwa Maraykanka iyo midowga Yurub.

Waxaa sidoo kale ka qaybgalay RW Itoobiya Abiy Ahmed.


1 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now