Waxaa magaalada Jabuuti lagu soo gababeeyay maalintii koowaad wadahadalo u dhexeeyay dawlada federalka Soomaaliya iyo dawlada Somaliland.
War murtiyeed ay soo saartay dowladda Djibouti ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in guddiyo farsamo ay sii wadaan wadahadallada, kuwaasi oo ka sii socon doona dalka Djibouti.
Laba dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey inaan la siyaasadeyn gargaarka horumarinta iyo maalgashiga ee caalamku siiyo Soomaaliya.
Waxa loogu baaqay dhammaan beesha caalamka in ay hannaankan wada xaajoodka taageeraan.
kulankii furitaankiisa ayaa waxaa khudbooyin ka jeediyay madaxda ka qaybagshay shirkaasi, oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Djibouti, madaxweynaha Somaliland iyo weliba madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha dawlada federalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ayaa soo dhaweeyay qabshada shirka sida baraha twitterka ay ku qoreen.
Lama oga Waqtiga wadahadalladan lagu soo gabagabayndoono. Shirka oo ay Jabuuti martigalisay ayaa waxaa sidoo kale kor joogto ka ahaa safiiradda dawlado shisheeye ah oo ay ugu horeyaan kuwa Maraykanka iyo midowga Yurub.
Waxaa sidoo kale ka qaybgalay RW Itoobiya Abiy Ahmed.