Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Maxaabiis Dalka Dib Loogu Soo Celiyey

76 Maxaabiis Soomaaliyeed oo Dib Loogu Soo Celiyey Somalia
Source: hiiraan

Maxaabiis Tiradooda gaaraysa 76 oo muddo kabadan 7sanno kuxirnaa Xabsiga Mgaalada Mumbai ee dalka India ayaa dib loogu soo Celiyey Magaalada Muqdisho ee  xarunta Dalka Somalia, Soo celinta maxabiistan Ayey kutimid heshiis dhexmaray labada Dal ee Somalia & India oo ahaa isdhaafsashada Maxaabiista iyadoo dhalinyaradana ay ku xukumnaayeeyeen sanado kala duwan kuwaas oo dawlada india ay ku eedeysay iney kuluglaahaayeen falal burcadbadeednimo inkastoo dhalintan ay sheegeen iney ahayeen kaluumaysato laga soo qabtay xeebaha dalka somaliya , Hadaba Dhalinyaradan oo qaarkood laqabtay horaantii 2011 ayaa waxaa intay xabsigaasi kujireen ugu geeriyooday seddex kamid ah oo lasheegay daryeelxumo iney ugu geeriyoodeen Xabsigaasi. Xabsigan oo Kuyaala Duleedka Mgaalada Mumbai aya ah xabsi aad u weyn oo ay ku xiranyihiin Qowmiyado kala duwan kuwaas oo kujira dadka u dhashay dalka india , Bishii Janaayo ayey aheyd markii sidan oo kale dib dalka loogu soo celiyey Dufcadii Ugu horeeysay ee Dhalinyaradan Kuwii laxirnaa oo ahayeen ilaa 41qof. Dowlada somaliya ayaa horey usheegtay iney soo celindoonto dhalinta ku xiran xabsiyada dalka dibadiisa .

Ugu dambeyna waxaa garoonka Aadan Cadde dhoobnaa waalidiinta iyo qaraabada dhalintan dib loo soo celiyey oo aan qoysaskooda arag Muddo Fog.


2 min read

Published

By Ibrahim Mohamed

Source: SBS Somali


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now