Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Maxakamadda ICJ oo maanta (12 October 2021) soo saaraysa go'aankii dacwadda badda ee Somalia iyo Kenya

ICJ ayaa maanta soo saaraysa go'aankeedii dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya

The Hague-based International Court of Justice

ICJ oo maanta soo saaraysa go'aankii dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya Source: UN News

Maxakamadda Caddaaladda caalamiga ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12 October 2021 soo saari doonta go'aankeedii ugu dambeeyey ee dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxqtiga go'aanka maxakamadda la akhriyi doono ayaa ah saddexda galabnimo (3:00 PM) ee mgaalada The Hague. 

 Go'aanka maxakamadda ayaa noqon doonaa mid kama dambeys ah oo aan rafcaan dambe ka furnayn. Waxaana go'aanka ka dib baddii labada waddan ku muransanaayeen sharci ahaan u yeelan doona waddanka maxakamaddu u xukunto. 

 Akhriska go'aanka waxaa si toos ah looga baahin doonaa https://media.un.org/en/webtv

 Saacadaha laga daawan karo Australia (fadlan iska hubi)

 Melbourne : 12:00 AM (saqda dhexe)

 Sydney:        12:00 AM (saqda dhexe

 Brisbane:     10:30 PM

 Adelaide:      11:30 PM

 Perth:             9:00 PM


1 min read

Published

Updated

By Abdinur Ismail

Presented by Abdinur Ismail


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now