Maxakamadda Caddaaladda caalamiga ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12 October 2021 soo saari doonta go'aankeedii ugu dambeeyey ee dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxqtiga go'aanka maxakamadda la akhriyi doono ayaa ah saddexda galabnimo (3:00 PM) ee mgaalada The Hague.
Go'aanka maxakamadda ayaa noqon doonaa mid kama dambeys ah oo aan rafcaan dambe ka furnayn. Waxaana go'aanka ka dib baddii labada waddan ku muransanaayeen sharci ahaan u yeelan doona waddanka maxakamaddu u xukunto.
Saacadaha laga daawan karo Australia (fadlan iska hubi)
Melbourne : 12:00 AM (saqda dhexe)
Sydney: 12:00 AM (saqda dhexe
Brisbane: 10:30 PM
Adelaide: 11:30 PM
Perth: 9:00 PM