Maxkamada Sare oo burisay Jinsiyad ka qaadis wasiirka Arimaha Gudaha uu sameeyey...
Maxkamada Sare ee Australia ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday go’aan uu qaatay wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha, isagoo jinsiyada ka xayuubiyey (ka qaaday) dad looga shakiyey falal argagixisanimo
Labo nin oo Australian ah oo looga shakisan yahay falal argagixisanimo ayaa dib loogu soo celin doonaa dhalashadooda, kadib markii Maxkamadda Sare ay xukuntay awoodaha uu adeegsaday Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha inay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn.
Labada nin ee lagu qaaday jinsiyad-kala noqoshada ayaa waxaa ka mida nin asal ahaan kasoo jeeda Turkiga oo la yidhaahdo Delil Alexander, halka aana wali qofkii labaad shakhsiyadiisa la shaacin.
Maxkamada sare ayaa go’aankeedan ku salaysay in wasiirku awooda uu isagu sida shaqsiga ah u cuskaday, kagana xayuubiyey jinsiyada in uu yahay mid aan sax ahayn, awoodaha uu adeegsadeyna in ay kaliya maxkamadu leedahay, ayna ka dhigantahay in ficilka wasiirka lagu jabiyey kala saarida awoodaha.
Sharci yaqaano ku xeel dheer arimaha xeerarka jinsiyada ayaa waxa ay sheegeen in shuruucda uu u cuskaday wasiirku arintan in ay ka baxsantahay awoodihiisii, galisayna ku xadgudub awoodihii maxkamada ay iska lahayd.
Bayaan uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud Mark Dreyfus wuxuu ku sheegay in dowladdu ay si faahfaahsan u baari doonto xukunkan iyo saameynta uu yeelan karo.