Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa taageertay doorashadii 9-kii Agoosto ee lagu doortay musharaxa madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, kadib go'aan ay u dhamaayeen 7 xaakin ee maxkamadu ka kooban tahay sida ay sheegtay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Kenya, Martha Koome.
Ms Koome ayaa tuurtay codsiyo ay soo gudbiyeen hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo kooxo kale.
Maxkamada ayaa tuurtay intii badnayd doodihii ay soo bandhigeen kooxahaas diidanaa natiijada.
Maxkamada Sare ee Kenya ayaa go'aamisay in natiijadii doorashada ee gudiga doorashadu ku dhawaaqay ay sax ahayd sidaasna ku ayiday in William Ruto ku guulaystay doorashadii 9 Agoosto.