Melbourne cup history

Melbourne Cup waa tartanka fardaha kan ugu caansan Australia. Fardaha ayaa orda masaafo gaaraysa 3,200 oo metre waxaan loo ogol yahay oo ka qaybgali kara fardo da'doodu ka wayn tahay 3 sano. Tartankan ayaa waxaa maamula hayada tartanka fardaha ee Victoria waxaana lagu qabtaa  Flemington RacecourseMelbourneVictoria ku yaal waana tartanka ugu qaalisan aduunka ee farduhu masaafadan ordaan.

Tartanka ayaa bilowda 3 galabnimo maalinta Talaadada ugu horaysay bisha November waxaana dalkan looga yaqaan "Tartanka dalkoo dhan istaajiya" oo loola jeedo waqtiga tartanku socdo wadanka oo dhan dadku dhagaha ayay u taagayaan oo waala daawanayaa iyadoo lacag aad u farabadan lagu qamaaro.

The Melbourne Cup ayaa markii u horeeyay la qabtay 1861.

In ka badan 20 faras ayaa u tartmaya sanadkan inay ku guulaystaan koobkan ugu qaalisan tartamada fardaha.

Faras loo bixiyay Finche ayaa ah kan loo badinayo inuu ku guulaysto sanadkan 2019. 

Dhanka kalana dadka kasoo horjeeda tartanka fardaha ayaa ku dhiiragalinaya dadka daawada ama ka qaybgala tartankan inay qaadacaan koobkan fardaha maadaama dhawaanahan ay soo baxayeen walaac laga qabo sida fardaha loo xanaaneeyo kadib barnaamuj ka baxay Tel ABC oo muujinaya fardo hore usoo tartamay oo lagu qalay Queensland.

Duqa magaalada Melbourne Sally Capp ayaa ku baaqday in sharuuc adag lagasoo rogo arintan.

Lacagta guusha ayaa waxaa kala qaysada milkiilaha faraska leh oo qaata 85% halka tababaruhu qaato 10% iyadoo ninka fuula la siiyo 5%.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand