Melbourne oo gabi ahaanba xanibaadihii dib loogu celiyay.

News logo

Source: SBS

Gabi ahaan magaaada Melbourne ayaa dib loogu celinayaa xanibaad la mid ah tii bilihii Maarso iyp Abriil.
Xanibaadan ayaa bilaabanaysa Arbacada habeen barkii waxayna soconaysaa mudo 6 asbuuc ah.
Taasoo macneheedu yahay in dadku dibada ugu bixi karaan oo kaliya 4 sababood oo kala ah;
 
  • Inaad soo gadanayso waxyaalaha daruuriga ah sida cunto iyo daawo.
  • Inaad shaqo ama waxbarasho aaddayso.
  • Inaad qof xanaanaynayso ama adiga lagu xanaaneeyo.
  • iyo Inaad jimicsi u baxdo.

Kororka caabuqa ayaa imanaya iyadoo NSW ay xirtay xadka ay la leedahay Victoria si ay uga hortagto inuu gobolkeeda ku fido xanuunku.

Tirada maanta oo Talaado ah laga helay Victoria ayaa ah tii ugu badnayd sidii faafku uga bilowday Australia.


Kaysaska cusub 13 ka mid ah waxaa lala xariirinayaa sarahaa dhaadheer ee dawlada oo dhawaan bandowga lagu soo rogay.

Tirada cusub ayaa ka sii badan tii shalay oo la diiwaan galiyay 127 kays.

Sarkaalka ugu sareeya caafimaadka gobolka Professor Brett Sutton ayaa xaqiijiyay natiijada maanta iyadoo tirada kaysaska guud ee gobolku gaaray 2824 kays.

Waxaa hadda ka jira Victoria 772 qof oo qaba xanuunka.

Kororka caabuqa ayaa imanaya iyadoo NSW ay xirtay xadka ay la leedahay Victoria si ay uga hortagto inuu gobolkeeda ku fido xanuunku.

Askar iyo shaqaale gaaraya 350 ilaa 500 ayaa loo dirayaa xadka si ay u ilaaliyaan.

Ciidanka ayaa taageeraya howlgalada booliska iyagoo aan toos ugu lug yeelanayn howlaha sharci fulinta.

4 kays ayaa lala xariirinayaa qaybta xaalada degdega ah ee Cisbitaalka Woqooyiga Epping taasoo tirada guud ee shaqaalaha xanuunku ku dhacay gaarsiisay 8.

Qaybta xaalada degdega ah Cisbitaalka ayaa wali furan waxaase la yareeyay qaliimada aan degdega ahayn iyo bukaanka dibada ka imanaya.

Dadka deggan saraha dhaadheer ee dawlada oo u baahan caawimaad iyo taageero waxay wici karaan 1800 961 054. Haddii aad u baahan tahay turjubaana wac 131 450. Labada nanbarba waxay shaqaynayaan habeen iyo maalinba 24 saacadood.

Dadku waa inay isu jirsadaan ugu yaraan mitir iyo bar. Fiiri xanibaadaha gobolkaaga saaran.

Haddii aad isku aragto calaamada hargabka, gurigaaga joog, balanso in xanuunka lagaa baaro addoo wacaya dhaqtarkaaga ama wac  Coronavirus Health Information Hotline on 1800 020 080.







Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Melbourne oo gabi ahaanba xanibaadihii dib loogu celiyay. | SBS Somali