Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay Isniintii 20 February 2023 bixinta deeq lacageed oo cusub oo gaadheysa in ka badan 193 milyan oo Yuuro, si loogu taageero dadka ugu nugul ee reer Yemen, loogana hortago cunno yarida dalka.
Guddoomiyaha Yurub ee Gargaarka Bini'aadantinimada iyo Maareynta Xasaradaha, Janiz Lenarcic, ayaa sheegay - intii lagu guda jiray Golaha Samafalka Caalamiga ah ee Riyadh - in 136 milyan oo Yuuro loo qoondeyn doono la-hawlgalayaasha Midowga ee dhinaca bini'aadantinimada si ay uga caawiyaan daboolida baahiyaha ka dhashay rabshadaha socda iyo masiibooyinka lama filaanka ah.
Hawlaha uu Midowgu maalgelinayo ayaa waxaa ka mid ah gargaarka caafimaadka, nafaqeynta iyo cunnada, iyo sidoo kale biyaha iyo fayadhowrka si looga hortago nafaqo-xumada iyo gudbinta cudurrada faafa.
Sidoo kale, 55 milyan oo Yuuro ayaa loo qoondayn doonaa gargaar horumarineed oo loogu talagalay haqab-beelka cuntada ee Yemen iyo taageerada hab-nololeedka si loo daboolo baahiyaha amaanka cunnada ee degdegga ah iyo horumarka muddada fog iyo isku-filnaanta.
Dalka waxaa ka jira dhibaato dhaqaale iyo mid bini'aadantinimo oo aad u daran, taasoo ah tan ugu daran caalamka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, marka loo eego dagaalka, dal-daloolooyin dhaqaale, sicir barar caalami ah, iyo saameynta aan tooska ahayn ee dagaalka Ukraine.
Yemen waxa ay soo dhoofsataa 90% baahida cuntada, 45% sareenka ay Yemen soo dajisato waxa ay ka timaadaa Ukraine iyo Ruushka, halka 80% dadka Yemen ee 32.6 milyan ah ay ku tiirsan yihiin gargaarka bini’aadantinimo.
Colaaddii dhiiga badan ku daatay ee Yemen ka dhacday 8 sano ka hor waxa ay sidoo kale horseedday burburka dhaqaalaha, hoos u dhaca qiimaha lacagta, kayd la’aanta lacagaha adag, waxa ayna malaayiin dad ah qarka u saaranyihiin inay u dhintaan macaluul, ka dib markii uu sare u kaca qiimihii cuntadu uu dad badan ka dhigay ineyna baahiyahooda daruuriga ah ayna iska haqab tiri Karin.