Heesta calanka Australia -Advance Australia Fair- ayaa si rasmi ah wax looga badalay.
Sadarka labaad ee heesta ayaa laga badalay "For we are young and free" loona badalay 'for we are one and free'
Governor-General David Hurley ayaa ogolaaday talo bixin ay dawlada federalku u soo jeedisay in isbadalkan lagu sameeyo miraha heesta.
Miraha cusub ee heesta ayaa dhaqan galaya maanta oo ah Janaayo, 1, 2021.
Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay in is-badalkan loo sameeyay dhamaan shacabka Australia kadib baaqyo lagu doonayay in heesta calanku noqdo mid ka turjuma dhamaan shacabka oo dhan laguna aqoonsado taariiqda iyo hidaha dadka Aboriginalka iyo Torres Strait Islanders-ka.
"Waa isbadal loo sameeyay dhamaan shacabka Australia oo waxaana markiiba i dhiiragliyay oo aan ku farxay jawaabta adag ee fiican oo dalkoo dhan ka muujiyay isbadalkan. Dadka dalka loogu yimid iyo kuwa kalaba meeshay doonaanba ha ka soo jeedeene, siyaasaday doonaana ha aaminsanaadeen, waana arin fiican sanadka cusub lagu bilaabo," ayuu yiri Scott Morrison.
Dadka dalka loogu yimid ayaa dhibsaday erayga " we are young" oo macneheedu yahay waxaan nahay dal da' yar taasoo sida ay ku doodayeen shacabka dalkan loogu yimid dafiraysa ama meesha ka saaray taariiqda dheer ee ay dalkan deganaayeen oo lagu qiyaaso kumanaan sano.
Halkii ay ku jirtay erayga 'young' ayaa hadda lagu badalay 'one' oo macneheedy yahay waxaa nahay dal mid ah.