Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Maxamed Mursal, oo loo doortay Gudoomiyaha Aqalka Shacabka Soomaaliya.

Maxamed Mursal, oo loo doortay Gudoomiyaha Aqalka Shacabka Soomaaliya.

Mohamed Mursal, Newly elected Somali Speaker
Source: qaranimo

Doorashadii gudoomiyaha golaha shacabka ayaa waxa ay u dhacday shalay 30/04/2018, si habsami ah, iyadoo la sheegay in aad loo sugay  amaanka  aqalka Shacabka Soomaaliya, sababa la xidhiidha iyadoo laga digtoonaa in wax dhibaata ah ay dhacdo.

Tartanka doorashada oo ugu danbayntii uu ku guulaystay Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ahaana wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya, ayaa waxaa ku baratamay 10 xildhibaan, iyadoo wareegii labaad ay isugu soo hadheen afar xildhibaan, balse laba ka mida ay ka tanaasuleen tartanka.

Wareegii labaad ayaa waxaa isugu soo hadhay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yaroow.

Maxamed Mursal ayaa helay 147 cod, halka Ibrahim Isaaq Yaroow uu ka helay 118 cod, sidaasna uu Maxamed Mursal ku guulaystay jagada Gudoomiyanimada Golaha Shacabka Soomaaliya.

 

 


1 min read

Published

By Mohamed A Madar.



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now