Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

More migrants could be deported under new proposal

Soogalooti badan ayaa wajahaya in la tarxiilo haddii hindise cusub hirgalo

Refugees could be sent back to countries where they face persecution under proposed new laws
Source: SBS

Tobanaan kun oo soogalooti ah ayay dhici kartaa in sharciga ay dalka ku joogaan laga kansalo haddii uu hirgalo hindise sharciyeed lagu adkaynayo sharuudaha lagu xiro dadka deganaanshaha haysta.

Dadka haysta sharci deganaansho ah oo gala danbi mutaysan kara 2 sano oo xabsi ah ayaa ku dhacaya waxa loo yaqaan imtixaanka dabeecada xataa haddii aan lagu xukumin xabsigaas dheer.

Sharcigan oo uu baarlamaanka horgeeyay wasiirka socdaalka David Colman bishii lasoo dhaafay ee July ayaa looga danleeyahay in lagusii xoojiyay nidaamkan lasoo rogay 2014 markaas oo sharcigaas uu dawlada u ogolaaday inay dalka ka tarxiisho dadka aan muwaadiniinta ahayn ee lagu xukumay xabsi 12 bilood iyo wixii ka badan.

Isbadalkaas ayaa dhaliyay in in ka badan 1000 muwaadiniin NZ u dhashay Australia laga tarxiilo intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2018.

RW NZ Jacinda Ardern ayaa sheegtay in arintani saamayn xun ku yeelatay xiriirka Australia iyo NZ.


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now