Arimaha Barnaby Joyce, iyo saamayntooda siyaasada Australia.

Arimaha Barnaby Joyce, iyo saamayntooda siyaasada Australia.

Naibu waziri mkuu Barnaby Joyce

Naibu waziri mkuu Barnaby Joyce Source: AAP

Mushkiladii siyaasadeed ee ay keentay xidhiidhkii Ku Xigaha Ra'iisul Wasaaraha Barnaby Jonce iyo gabadhii xafiiskiisa ka shaqayni jirtay Vikki Campion, ayaa wali u muuqda in ay ka fogtahay in ay soo afjaranto.

Ra'iisulwasaaraha iyo ku xigeenkiisa oo is daleecayn ka dib isu dajiyay

Labada masuul Ra'iisulwasaae Malcolm Turnbull iyo ku xigikiisa Barnaby Joyce ayaa warbaahinta isu mariyay daleeceen iyo dhaliilo khuseeya arinta xiriirka hoose ee Joyce uu la yeeshay Vikki oo ka hoos shaqayni jirtay.

Ra'iisulwasare Turnbull, ayaa isagu sheegay in ay tahay waxa uu Joyce sameeyay " khalad naxdin leh oo ah dhanka xiriir la yeelashada gabadhii ka hoos shaqaynjirtay".

Mr Joyce, ayaa jawaab uu ka bixiyay hadalkaas Ra'iisulwasaaraha ku tilmaamay in uu yahay hadal aan u qalmin isaga, ahna mid aan loo baahnayn." .

Is dhaliilida ay isu mariyeen labada hogaamiye warbaahinta, ayaa kadib kulan ay yeesheen ay u muuqatay in ay dabciyeen lahjadaas, isagoo Mr Turnbull mar uu warbaahinta la hadlay uu u dhigay in arinta mustaqbalka siyaasadeed ee Barnaby joyce, in go'aan ka gaadhideeda in uu leeyahay Xibiga National-ka.

 Mucaaradka oo si adag ooga hadlay arinta

Dhinaca kale, waxaa daleecayn adag ku tuuray labada masuul hogaamiyaha mucaaradka Bill Shorten, isagoo sheegay in labada hogaamiye uu dagaal ka dhex aloosmay, waxuuna oogu yeedhay Mr Turnbull in uu jagada ka xayuubiyo Mr Joyce.

Mr Shorten, ayaa yidhi hadii uusan diyaar u ahayn Malcolm Turnbull, in uu casilo ku xigeenkiisa, isaguna diyaar ooma aha in uu shacabka hogaamiyo.

Sii haynta Shaqada Ra'iisulwasaaraha safatiisa US ka dib.

Sharci ahaan, iyadooy tahayd xiliga uu wadanka dibada ooga maqanyahay Ra'iisulwasaaruhu in Kuxigeenkiiisu uu shaqadiisa kusii simo, ayaa haatan ayna dhici doonin arintaas, sida la shaaciyay.

Sababa la xidhiidha buuqa taagan ee hadheeyay arimaha siyaasada Australia , ayaa Mr Barnaby Joyce waxa uu go'aansaday in uu qaato todobaad fasaxa, iyadoo ku xigaha madaxa xisbiga Liberalka, ahna Wasiirka Arimaha dibada Julie Bishop, iyaduna ay wadanka dibada ooga maqnaanayso, ayaa  waqtiga Ra'iisulwasaare Turnbull uu Maraykanka safarta oogu maqanyahay, hawlihiisa shaqo uu sii qabani doono Wasiirka Maaliyadda Mathias Cormann.

Cod uruurin la qaaday oo tusaysa dareenka shacabka dhanka Joyce.

Cod aruurin laga sameeyay arimaha Barnaby Joyce, iyo saamaynteeda siyaasadeed oo lagu daabacay wargayska The Australian., ayaa natiijooyinka oogu mihiimsan waxaa ka mid ahaa:

-Aqlabiyada dadka aftida laga qaaday, ahna 65%, ayaa aaminsan in ay tahay in Barnaby Joyce uu iska casilo jagada Kuxigeenka Ra'iisulwasaaraha. Halka ay aaminsanyihii 21% in uu siyaasadoo dhan ka fadhiisto.

- Dhanka Ra'iisulwasaarha. arintan hoos u dhac kooban ayay ku keentay, marka lala barantansiiyo hogaamiyaha mucaaradka. Iyadoo wali dadku ay Turnbull doonayaan in uu Ra'iisulwasaare sii ahaad 40%, ayaa taasi ay ka dhigantahay in uu 5 dhibcood hoos u dhacay, halka hogaamiyaha mucaaradku Bill Shorten, uu kor u kacay 2 dhibcood, gaadhayna 33 dhibcood. Faraqa hada u dhexeeya laba masuul ayaa ah 7 dhibcood oo uu Ra'iisulwasaare Turnbull kaga horeeyo hogaamiyaha mucaaraka Bill Shorten.

Xisbiga Nationl-ka, iyo mustaqbalka Barnaby Joyce

Dhacdadan kadib, xisbiga Nationalka oo isbahaysi la ah Xisbiga Liberalka, ayaa muujiyay in ay taageera buuxda siinayaan hogaamiyahooda, balse xubinka Xisbiga Nationlka Ken O'Dowd, ayaa warbaahinta u sheegay in tira xubna ah oo Nationalka ka tirsan in jecelyihiin in ay hogaamiyaan xisbiga kadib marka uu booska baneeyo Joyce.

Warkan oo soo baxay, ayaa hadana waxaa Isniinta soo socoto dhici doonta kulan ay yeelani doonaan xubnaha Xisbiga Nationalka, iyadoo lagaga tashani doono arima ay ka mid yihiin hogaanka xisbiga National-ka.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Arimaha Barnaby Joyce, iyo saamayntooda siyaasada Australia. | SBS Somali