Ra'iisul Wasaare Turnbull oo wajahaya falsafadii uu ku yimdi.

Ra'iisul Wasaare Turnbull oo wajahaya falsafadii uu ku yimdi.

Prime minister Malcolm Turnbull

Prime minister Malcolm Turnbull Source: AAP

Ra'iisulwasaare Malcolm Turnbull, ayaa isagu ay lasoo daristay xiisad siyaasadeed,  kadib markii uu 30 koor oo isku xigta cod eegid  laqaaday, laguna qiyaasayay codadka taageersan xisbiga Liberalka- taasoo lagu sii odorasayo surrta galka in doorashooyinka xiga ay xukuumadu ku guulaysato - ay codayntu muujisay in uu xisbigiisu uu ka  hooseeyo xisbiga mucaaradka ee Laborka.

Arinta xiisaha leh ayaa ah, in Turnbull, 2015 uu ra'iisulwasaarihii hore Tony Abbott, uu marmarsiinyo ooga dhigtay in uu 30 cod eegid in uu ku hooseeyo, isagoo  kula tartarmay hogaanka xisbigiisa, kadibna kaga guulaystay, sidaana Ra'iisulwasaare ku noqday.

Warbaahinta oo arintan wax ka waydiisay Ra'iisulwasaarihii hore Tony Abbott, ayaa waxa uu sheegay in ay tahay arintaas in Turnbull wax laga waydiiyo, isagoo raaciyay, in hadii arintaasi ay ahayd sababtii uu tala haynta iigula tartamay Turnbul, waa in arintaa ay isagana ku dabaqantaa, ayuu yidhi Mr Aboott.

Balse dhankiisa Turnbull, ayaa ka cudur daartay hadalkii uu horay u yidhi oo macna ahaan ahaa, in hadii  30 mar  uu Abbott ku hooseeyay cod eegida, markii uu talada hayay , waa in ay tustaa in talada xisbiga lagula tartamaa, isagoo kula tartamay, kana reeyay.

Turnbull, ayaa  wax kastoo uu cudurdaar sameeyay, balse sheegtay in uu  xaqiijiyay laba arimood oo uu waqtigaas balan qaaday, oo ahaa in uu horseedo hormar dhaqaale, iyo dhisida xukuumad isku duuban.

Wasiira ay ka mid yihiin Piter Dutton, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Julie Bishop, wasiirada arimaha dibada, ayaa iyagu difaacay ra'iisulwasaare Turnbull, iyagoo sheegay in ayna ahay 30 mar oo cod eegida lagu hooseeyo in hogaanka la badalo.

Mr Turnbull, ayaa waxaa haysata falsafadii uu ku yimid ee uu hogaamiyihii xisbige Liberalka Tony Abbott, uu kaga qaaday hogaaminta xisbiga, kuna noqday Ra’iisul Wasaaraha Australia, iyadoo aan la garanaynin in sidiisii masuul kale oo xisbigiisa ka tirsan, in uu fursad ka dhigan doono arintan, kulana tartami doono hogaanka xisbiga Liberaalka, taasoo keeni karta in uu ku danbeeyo halkii uu Abbott ku danbeeyay.

 


Share

Published

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand