Rift between Nee Zealand and Australia over deportation widened.

Ex LTTE suspect will deport from Australia today.

Source: SBS

Khilaafka u dhexeeya Australia iyo New Zealand oo ka dhashay muwaadiniin New Zealand u dhashay oo Australia ay tarxiisho ayaa sii balaartay.

Isagoo la hadlaya TV Sky News ayuu kaaliyaha wasiirka arimaha gudaha Alex Hawke weerar afkaa ku qaaday wasiirka cadaalada ee New Zealand Andrew Little oo difaacay qaar ka mid ah dadka ay Australia tarxiishay.

[[ "Waxay ahayd wax laga xumaado ayuu yiri gaar ahaan wasiirka cadaalada New Zealand inuusan u siticmaalin fursada inuu ku yiraahdo muwaadiniintiisa,, "sharciga wadanka u hogaansama" Dawlada Australia waxa leedahay ayuu yiri isagoo hadalka sii wata muwaadiniinta Australianka ah ee degan New Zealand sharciga raaca haddii aad sharciga New Zealand jabisaana Australia ayaa la inii soo tarxiilayaa,, waxaan jeclaan lahayn hadal kaas la mid ah inuu kasoo baxo dawlada New Zealand.

In ka badan 600 oo muwaadiniin New Zealand u dhashay ayaa laga kansalay fiisooyinka ilaa markii la bilaabay sharuuc adag oo tarxiil ah oo dhaqan galay 2014.

Qaar ka mid ah dadka la tarxiilay ayaa noloshooda inta badan deganaa Australia aana wax xariir ah la lahayn New Zealand.

Kayskii u danbeeyay ee muranka dhaliyay ayaa ahaa will 17 jir ah oo lagasoo daayay xabsi dadka waaweyn laga hayo oo ku yaal Victoria isagoo loo diyaarinayay in la tarxillo balse ku guulaystay racfaan uu ka qaatay go'aanka tarxiilka.

Waxaa wiilkan loo xiray danbiyo aan gacan ka hadal ahayn.

Wasiirka arimaha gudaha Peter Dutton ayaa ka fiirsanaya inuu racfaan kasii qaato go'aanka wiilkan lagu siidaayay.

Sii hayaha Raiisul wasaaraha New Zealand Winston Peters ayaa ku eedeeyay Australia inay jabisay xeeraka QM ee xaquuqda caruurta kadib markay wiil yar la xirtay dadka waaweyn.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Rift between Nee Zealand and Australia over deportation widened. | SBS Somali