Madaxda ururada Muslimiinta Australia ayaa diiday inay la kulmaan raiisul wasaare Scott Morrison.
Warsaxaafadeed ay urur Muslimiintu leeyihiin ayaa lagu sheegay in sababta ay ula kulmiwaayeen Mr Morrison ay tahay inay aad uga walaacsan yihiin kana xumaadeen hadalo kasoo yeeray wasiiro sare oo dawlada ka tirsan iyo RW dhawaan oo loo turjumi karo in la leeyahay dhamaan bulshada Muslimiinta ah ayaa masuul ka ahaa fal danabiyeedka ay galaan.
Qoraalka ayaa lagu yiri "Hadalada noocaas oo kale ah waxba kama qabanayaan arimaha jira ee waxay fogaynayaan oo kaliya qaybo balaaran oo ka tirsan bulshada Muslimiinta ah"
Balse RW Scott Morrison ayaa isagoo si caro leh uga jawaabaya baaqashada kulanka isaga iyo madaxda Mulsimiinta wuxuu bartiisa Twitherka ku qoray in shirku la'aatood dhicidoono isagoo ku eedeeyay hogaanka Mulsimiinta inay ku guuldaraysteen inay bulshada wax u qabtaan.
"Kulanku wuu dhacayaa iyadoo ay ka qayb galayaan kuwo doonaya in arinta si fiican loo eego haddii ay baaqdan kuwo doonaya inay kasii jeestaan waxa jira" ayuu ku yiri RW Morrison bartiisa Twitherka.
Culumada ayaa ka codsatay RW inuu dib u dhigo kulanka ilaa inta ajendayaal iyo ujeedooyin labada dhinac isku waafaqsan yihiin laga helayo ayaa lagu yiri qoraalka.