Maalqabeen Muslima oo ka hor geeridiisa, kansarka ku tilmaamay nimco ilaah u keenay.

Maalqabeen Muslima oo ka hor geeridiisa, kansarka ku tilmaamay nimco ilaah u keenay.

Ali Banat with children

Source: AljazeeraNet

 Ali Banat, oo ahaa maal qabeen dhalinyara ah, oo maalin dhawayd ku geeriyooday magaalada Sydney ee  Australia, isagoo u geeriyooday cudurka kansarka,  ayaa sheegay in cudurka kansarku  uu u ahaa nicma ilaahay siiyay.

      Ali Banat oo ka jawaabayay sababta cudurkan dilaaga ah, ee nolashiisa galaaftay, sababta uu oogu noqday nimco, ayaa waxa uu yidhi nimco Alaah isiiyay ayuu ahaa, sababtoo ah kansarku waxa uu sabab iigu noqday in aan isbadalo.

     Waxaa jirta in Ali Banat, uu ahaa nin dhalin yara ah oo maalqabeena, wuxuuna u noolaa – sida isaguba uu qirtay ka hor inta uusan dunidan ka tagin – si raaxaysi badani ku jirto, isagoo haystay baabuurta kuwooda oogu qaalisan, iibsana jirayna  waxyaabaha qaaliga ah, isagoo waqtigaas ku qanacsanaa qaab nolaleedkiisa, balse markuu cudurku ku dhacay, doortay in uu wax ka badalo nolashiisa, una noolaado si ka badalan sidiisii hore.

     Ali oo isagu hada geeriyooday, ayaa markii cudurkan lagu sheegay waxa ay ahayd sanadii 2015, iyadoo takhaatiirtu ay u sheegeen in kaliya uu noolaan doono 7 bilood, balse sii noolaaday in ka badan laba sano ka hor inta uusan geeriyoonin.

      Markii takhaatiirtiisu ay u xaqiijiyeen in uu ku dhacay cudurka kansarka ahi, loona sheegay in uu waliba marayo meel aan waxba laga qaban Karin, una sheegeen mudada bilaha ah ee uu sii noolaan karo, ayaa sida uu sheegay Ali, waxa uu ka dhigtay fursad in uu is badalo, dhab ahaantiina waa uu fuliyay qorshihiisii isbadalka.

       Ali Banat waxa uu ku dhaqaaqay in uu iibiyo ganacsiyadiisii, iyo waxyaabihiisii qaaliga ahaa ee uu haystay, isagoo bilaabay in uu caawiyo muslimiinta dhibaataysan ee awooday.

     Waxyaabaha ka midka ah waxyaabihii uu qabtay, in uu tagay wadanka Togo ee Afrika ku yaala, isagoo madarasad iyo masaajid ka dhisay wadankaas, kadibna sii balaadhiyay wax qabadkiisa, asaasayna mashruuc la yidhaahdo “ Muslimiinta Daafaha Dunida”, mashruucan oo ah mid higsanaya sida laga qeexanayo websitkiisa, in uu dhiso tuula ay ku noolaadaan 100 dumara, oo ah waliba kuwa ragoodii ay geeriyoodeen, iyo xarun caafimaad , iyo ganacsiyo taageera dadkaas maxaliga ah.

      Mudadii koobnayd ee uu noolaa Ali Banat, waxa uu aruuriyay, isagoo tiisana ku biirinayay- lacag gaadhaysa 797,000. oo dollar, iyadoo halkiina wali laga sii wado tabarucaadkaasi, iyadoo ay ujeedadu tahay in mashaariic lagu fuliyo, kuwaas oo wax ka qabanaya xaaladaha aadka u liita ee muslimiinta saboolka ahi ay ku noolyihiin.

 


Share

Published

By Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand