Muslim women protest Australian visit of anti-Islam activist Ayaan Hirsi Ali

Haween Muslimiin ah oo kasoo horjeeda booqashada Ayaan Hersi ay Australia ku imaanayso

Ayaan Hirsi Ali

Former Dutch politician Ayaan Hirsi Ali Source: AAP

Haween Muslimiin ah ayaa kasoo horjeeda in Ayaan Hersi Ali ay Australia timaado iyadoo lagu martiqaaday inay ka hadasho shir ka dhacaya Australia.

Kooxdan Haweenkaa ayaa waxaa ka mid ah qoraayaal, aqoonyahano waxayna dhamaantood sheegeen sida ay uga xun yihiin in Ayaan Hersi Ali lagu casuumay qudbooyin ka dhacaya magaalooyinka dalka oo ka danbaysay koox la yiraahdo Think Inc.

Qoraal internetka lagu qoray oo ay ku doonayaan in dad badan saxiixaan loona bixiyay " Ayaan Hersi Ali nooma hadasho" ayaa kooxdan haweenka Muslimiinta ku sheegeen in joogitaankeeda oo kaliya uu qatar galinayo dadaalada loogu jiro wadanaoolaanshaha bulshada iyo in la siiyo haweenka Muslimiinta dariiq ay arimaha danaha u ah kaga hadlaan.

Ka sokow qoraalkan kooxdan haweenkan muslimiinta ah ayaa ku casuumay Ayaan inay la kulanto inta ay booqashada ku joogto dalka ayna la doodo oo ay fikradohooda ku aadan Islamka iyo doorka haaweenka ee Islamka ay isdhaafsadaan.

Qoraalkan ay saxiixeen ku dhawaad 270 haween Muslimiin ah ayaa lagu canbaareeyay hadalkeeda oo ay ku sheegeen mid ku salaysan faafinta nacayb iyo sooc.. waxay kaloo ka cabsi qabaan in aragtiyadeeda kasoo horjeeda Islamka uu badinayo waxa ay ugu yeereen nacaybka iyo colaada lagu hayo muslimiinta aduunkan oo awalba muslim nacaybku sii badanayay.

Ayaan oo qoraa ah ayaa lagu yaqaan aragtiyadeeda ay ku canbaarayso Islamka iyo sida aysan isu waafaqayn reer galbeedka.

Mar ay booqasho ku timid Australia sanadkii lasoo dhaafay ayaa u sheegtay barnaamujka " dadka Islamka dhaliilsan waa inaysan ka qajilin inay dhaliilaan dhaqamada laga fuliyo dalalka Islamka sida guurka qasabk ah"
Ayaan Hirsi Ali
Ayaan Hirsi Ali makes an appearance on ABC's Q&A during a 2016 visit to Australia Source: ABC Australia
Hirsi Ali ayaa soo qaaday noloshii ay soo martay markay tilmaamayso xaalada haweenka Muslimiinta ah ee ku nool aduunka. waxayna tusaale usoo qaadataa  sidii loo guday.

Kooxdan kasoo horjeeda Ayaan ayaa ku adkaysanaya inaysan diidanayn xaqa ay u leedahay inay fikradeeda dhiibato laakiin waxay muujinayaan inay aragtideedu keeni karto colaad iyo nacayb Muslimiinta Australia iyo aduunka oo dhan uga timaada.

Think.Inc, oo ah shirkada qudbooyinka qabanqaabisay ayaan iyagu u arag booqashada Ayaan inay dhib keeni karto.

Afhayeen u hadashay  shikradan Suzi Jamil ayaa SBS Arabic 24 u sheegtay shikadeedu bixinayso dariiq ay shaqsiyaadku fikrado kala duwan uga hadlaan ayna dhiiragaliyaan wadahadalka noocaas ah.
Ayaan Hirsi Ali
Ayaan Hirsi Ali at a speaking engagement in Switzerland in 2011 Source: Getty Images
Sherene Hassan oo haweenka qoraalkan ka danbeeya ahna madaxa Islamic Museum of Australia ayaa sheegtay inay si daacdsanimo ah ugu casuumeen Ayaan inay la fariisato oo ay aratiyohooda isdhaafsadaan.

“Haddi Ayaan Ali ay ka dhab tahay oo ay ka daacad tahay inay horumariso dhibaatooyinka haysta haweenka Muslimiinta markaas hana hadasho oo hanala doodo" ayay Tiri Sherene Hassan  "Intii ay marwalba warbaahinta hadalo cay ah u marin lahayd Bulshada Muslimiinta oo dhan"

“Waxay sii kordhinaysaa oo kaliya cadaawad iyo soocida buldshada awalba ka jirtay"
Ayaan Hirsi Ali'
A promotional banner from Think.Inc for Ayaan Hirsi Ali's upcoming speaking tour to Australia Source: Think.Inc



Share

Published

Updated

By Iman Riman

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Muslim women protest Australian visit of anti-Islam activist Ayaan Hirsi Ali | SBS Somali