Muslimiinta daafaha dunida oo ciiday maalintii Sabtida.

Daafaha dunida musliniinta ku dhaqan ayaa ciiday maaintii Sabtida aheyn, iyagoo tukaday salaadii Ciidul-adxaaha.

Amssa Muslim centre

Source: amssa

Maalintii Sabtida aheyd 09 July 2022 (10 Thulxija) ayaa Muslimiintu ka ciideen daafaha aduunka, iyagoo oogay aroorta hore salaada ciida, inta badana isugu soo baxay banaanada waaweyn ee ciidaha lagu tukado.

Magaalada Melbourne ee gobalka Victoria (Australia) xaafada North Melboune xarunta Masjidka Amssa ee Soomaalidu leedahay, ayaa markan lagu tukaday salaadii ciidul-adxaha masaajidka dhexdiisa, roob da'ayey dartiis.

Sh Cabdiraxmaan Magan, oo ka tirsan Golaha Imaamyada Wadanka Australia ayaa dadka Salaada tukiyey khudbada ciidana akhriyey. 

Gudashada salaada ciida kadib , dadku waxey si kal gacal leh isu dhaafsadeen salaanta iyo hanbalyada ciidul-adxaha.

Ciidul-adxaha ayaa ah mid ka mid labada ciidood ee musliniintu leeyihiin, iyadoo ciida kalena ay tahay Ciidul-fidriga. 


Share

1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now