Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Myanmar taken to UN high court accused of genocide against Rohinya minority

More than 700,000 Rohingya fled Myanmar in 2017.
More than 700,000 Rohingya fled Myanmar in 2017. Source: AAP

Dalka Myanmar ayaa dacwad laga geeyay maxkamada sare ee QM iyadoo lagu eedeeyay xasuuq ay gaysatay kadib olole ka dhan ahaa muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalka.

Qareemo ka socda dalka Gambia oo kayskan geeyay iyagoo matalaya ururka iskaashiga Islamka ayaa doonayaa in maxkamada cadaalada aduunku ay soo saarto amar degdeg ah oo lagu joojinayo waxa ay ugu yeereen dhaqanka xasuuqa ah.

Wasiirka cadaalada ahna xeer ilaaliyaha guud ee Gambia, Abubacarr Marie Tambadou ayaa sheegay in beesha caalamka aysan isk fiirsan karin iyadoo aan ka jawaabin xasuuqa ba'an ee dhacaya.

"Ceeb ayay ku tahay jiilkeena inaynaan waxba samayn iyadoo xasuuq aan indheheena ku aragno socdo. Marka waxaan diraynaa fariin ah in dal cudud milatari iyo mid dhaqaalen leh oo kaliya aysan ahayn inay ka hadlaan cadaalad daro ka dhacaya aduunka meeshay doonaynaan ha ka dheceene." ayuu yiri Mr Tambadou

Milatariga Myanmar ayaa bilaabay olole ay kula dagaalamayaan bulshada Rohinga bishii agoosto 2017.

In ka badan 700 kun oo ka tirsan Muslimiintaa Rohinga ayaa u qaxay dalka dariska la ah ee Bangladhesh si ay uga baxsadaan waxa lagu tilmaamay ololaha tirtirka jinsiyada ku salaysan oo ay ku jiraan kufsi wadareed, dil iyo guryo la gubay.

Madaxa gudiga xaqiiqo raadiska arimaha Myanmar ayaa bishii lasoo dhaafay ka digay inay jirto qatar wayn oo ah in xasuuqu mar kale dhacikaro.

 

 


2 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now