Live

Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE starting June 12 2026

Cirbado laga helay qudaarta miro guduudka (Strawberyy)

strawberry recall
Source: Facebook

Booliska ayaa baaraya in qof ka shaqayn jira beer oo xanaaqsan uu masuul ka yahay cirbado laga helay miro guduud (Srawberry).

Cirbadaha wax lagu tolo oo lagu qariyay ayaa laga helay labo nooc oo miro guduud ah Berry Obsession and Berrylicious oo lagu gado dukaamada Woolworths ee Queensland, New South Wales iyo Victoria.

Labadaas nooc ayaa kasoo go'ay hal beer.

Booliska Queensland ayaa baaraya dhamaan talaabooyinka la qaado marka miro guduudka kasoo go'o beerta ilaa dukaamada la  geeyo.

Waxaa lagula talinayaa in dadku iska tuuraan miro guduud labadaas nooc ah haddii aad soo iibsatay intii u dhaxaysay 5 tii Sebtember ilaa 8 Sebtember ama ay jaraan oo fiiriyaan marka hore intaysan cunin.

Waxaa lagu celin karaa Woolworths lacatiina waa laguu celinayaa.

 Angela Stevenson, oo soo gadatay miro guduudkaas ayaa sheegtay inay sigatay mar ay caruurteeda u diyaarinaysay.

((Waxaan u jarjarayay gabdhayda oo 12 bilood jir ah.. waxay mindidii ku dhacday bir markaan eegayna waaba cirbad ku dhexjirta miro guduudka)).

 

 


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now