Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

New figures reveal long wait for citizenship applications

Dad badan oo wali sugaya dhalashada Australia

Australian Citizenship
Source: AAP

Waxaa soo baxay tiro cusub oo muujinaysa in dad ka badan 220 kun oo qof ay sugayaan in araajidooda dhalaso la eego.

Inkastoo tirada dadka codsaday dhalashada Australia ay 100 kun oo qof hoos u dheceen, haddana soogalootiga ayaa sugaya celcelis ahaan 410 maalmood (in ka badan 13 bilood) in araajidooda dhalsho la ogolaado.

Waqtiga la sugayo ayaa hoos u dhacay iyadoo sanadkii hore ay ahayd 493 maalmood laakiin wali wuu ka dheer yahay  waqtigii ay qaadan jirtay 7 sano ka hor oo ahayd 167 maalmood.

Dadka ugu badan ee sugaya dhalashada dalkan Australia ayaa ka kala yimid dalalka Hindiya,Britan iyo China

Hindida sugaya dhalashada ayaa ah ku dhawaad 30 kun, Brithish ka ayaa ah 27 kun halka dadka China u dhashay ay yihiin 18 kun.


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now