Raja cusub oo kusaabsan in daawo fiican loo helo Kansarka.

Raja cusub oo kusaabsan in daawo fiican loo helo Kansarka.

EMBARGOED TO 0001 FRIDAY NOVEMBER 24 Undated handout artist impression issued by LIfT BioSciences of a neutrophil attacking a cancer cell.

Source: Press Association

Cilmi baadhayaal ayaa waxa ay horumar ka gaadheen dhanka la dagaalanka cudurka dilaaga ah ee kansarka.

Kooxdan oo isugu jirta Cilmi baadhayaal kasoo kala jeeda wadanka Australia iyo Wadanka Maraykanka ayaa soo saareen baadhitaan dhiiga lagu samaynayo, oo lagu ogaan karo 8 nooc oo cancerka ka mida, ka hor inta ayna gaadhin heerka uu wax ku dilo.

Rajada wayn ee natiijada cilmi baadhayaashani ay gaadheen ayaa waxa ay tahay, in baadhida dhiigan ay ku ogaani karaan Kancerka marka uu marayo heerka koobaad, ahna marka uu curdanka yahay ee uusan wali ku faafin jidhka qofka, lagana dawayni karo.

Duruufta hada jirta ee kansarka ayaa waxa ay tahay, in aan la ogaani karin cudurka ilaa qofku uu xanuun dareemo, ama uu culayskiisu hoos u dhaco, ama uu lalabo badan uu yeesho..

Cilmi baadhayaalkan ayaa haatan ku hawlan sidii ay daawo wax qabad leh ay usoo saari lahaayeen, taasoo lagu daweeyo marka cudurka lagu ogaado marxalad hore. iyagoo sheegay in dawadiisa ay ku raja weyn yihiin in ay dadka diyaar u noqoto sanada kooban gudahood.

Kansarka naasaha ku dhaca ayaa isagu ka mida kansarada laga badbaado, isagoo 90% dumarku ay ka badbaadaan, halka hadii waqti hore la ogaadana ay gaadhi karto badbaadadu 100%.

Marka laga eego dhanka dhimashada, kansarka oogu daran - sida waaxaha caafimaadka ee Victoria laga soo xigtay - waa kansarka sanbabada haleela. isagoo lagu sheegay in ay tahay sababta oogu weyn ee noocan uu dadka u laayo, in ay la xidhiidho cabida sigaarka, oo isagu dhaawaca xubna ay ka midyihiin sanbabada.


Share

Published

By Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand