Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE starting June 12 2026

New plan to settle migrants in regional areas

Changes in 2020
Source: SBS

Dawlada federalka Auatralia ayaa soo bandhigtay maanta oo Talaado ah qorshe lagu dejinayo dadka soo galootiga cusub ee dalka soogala meelo ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Wasiirka dadweynaha iyo magaalooyinka, Alan Tudge ayaa shaaciyay qorshahan uu ku doonayo in lagu yareeyo cariiriga ka jira magaalooyinka waaweyn ee Melbourne iyo Sydney mar uu qudbo ka jeediyay Melbourne.

Waxaa lagusoo waramay bishii Agoosto sanadkan in golaha wasiirada Scott Morrison ay wadeen hindise ku qasbaya soogalootiga cusub inay degaan magaalooyinka yaryar. Sooagalootigaas ayaa waxaa ka mid ah kuwa ku yimaada xirfadaha iyo kuwa qoys ahaan loo keeno. Hindisahan ayaa awalba miiska u saarna dawladii hore ee Malcolm Turnbull ka hor intaan xilka laga tuurin.

Tirakoob dhawaan kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha ayaa muujinaya in inta badan soogalootiga cusub 87% ayaa degaan Melbourne ama Sydney.

Hindisahan ayaa soogalootiga lagaga dalbanayaa inay degaan magaalooyinka yaryar oo shacabku ku yaryahay iyo magaalooyinka kale ee ka baxsan caasimadaha Victoria iyo NSW.

Wasiirka socdaalka David Coleman ayaa sheegay in gobolada qaar ay rabaan soogalooti ka badan kuwa hadda jooga.

Australia ayaa bixisa fiisooyin kala duwan oo ay ku jirto  489 Skilled (Provisional), Regional Sponsored Migration Scheme (187) and Skilled Regional (Permanent) 887 - oo dhamaan loogu talogalay in lagu dhiiragaliyo soogalootigaas inay degaan gobolada.

Hase yeeshee  Richard Marles oo Laborka ka tirsan horena u qaabilsanaa arimaha socdaalka ayaa qorshahan ka horyimid markii bishii Agoosto la shaaciyay.

Wuxuu Sky News u sheegay inuusan hubin sida dawladu ugu qasbi karto dadku halka ay degayaan.


2 min read

Published

Updated

By Hassan Jama



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now