Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

New US travel ban

Us government has issued new travel order barring the citizens of 6 Muslim majority countries from entering US

US travel ban
A law student from the University of Washington volunteers at Seattle-Tacoma International Airport. Source: AAP

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar fulineed cusub oo ka mamnuucaya dadka kasoo jeeda lix dal  inay soo galaan dalka Mareykanka muddo saddex bilood ah ah.

Amarkan cusub ayaa yimid kadib markii amarkii hore ee madaxweynaha oo dalka ka mamnuucayey dadka kasoo jeeda toddobada dal uu xaakim federal ah tuuray

Amarkan ayaa sidoo kale waxa uu Mareykanka ka joojinayaa inay yimaadaan dadka qaxootiga ee caalamka oo idil muddo afar bilood ah.

Amarka cusub ayaa waxaa  lagu soo koobay dadka lixda dal ee kala ah Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria, iyo Yemen.

Amarkan cusub ayaa waxaa sidoo kale uu kaga duwan yahay kii hore inuu dhaqan gali doono 16-ka bishan March oo uusan dhaqan galayn markiiba sidii kii hore ee maxkamdau diiday .waxaana uusan sidoo kale saamayn ku yeelandoonin dadka haysta sharciga degenaanshaha Mareykanka ee kasoo jeeda lixda dal ee la mamnuucay.

Waxaa laga reebay Ciraaq oo ku jirtay amarkii hore kadib markii dawlada Ciraaq ay dadaal dheer u gashay in laga reebo liiska dalalka laga mamnuucay inay soo galaan Maraykanka iyadoo ku dooday in Ciraaq tahay dalka koowaad ee dagaalka kula jira kooxda IS.

Amarkan cusub ayaa kusoo aadaya iyadoo dawlada Maraykanka ay hareeyeen fadeexado ku aadan xiriirka Madaxweyne Donald Trump iyo madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin.


2 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now