Dabaaldegyada Sanadka 2018, ayaa biloowday xalay habeen kala badhkii, taas oo ka dhigan biloowgii sanadka cusub ee aadka loo sugayay.
Wadanka New Zealand, ayaa noqoday wadankii oogu hor dabaaldegay aduunka, sababtuna ay tahay iyaga oo oogu horeeya dhanka saacada.
Boqolaal kun oo reer New Zealand ah, ayaa jidadka iyo xeebaha isugu soo baxay, iyaga oo ku faraxsan in ay noqdeen wadanka uu sanadka cusubi oogu soo hor salaamay.
Australia ayaa soo raacday dhanka dabaaldegyada, iyada oo si aad u wacan looga dabaal degay daafaha gobalada wadanka.
Sydney ayaa wax ka badan hal million oo dada, oo ku sugnaa harbour-ka, ayaa ku daawaday bandhiga dabaaldegyada, halkaas oo saqdii dhexe ee xalay laga huriyay - si isdaba jooga - bulalaydhya midaba isku dheehan leh, kuwaas oo araga soo jiitay.
Dhanka Melbourne, kumanaan dada oo isugu yimid banaanka Federation Square, ayaa ku daawaday bandhigyada dabaaldega sanadka cudub, iyadoo ku daawaday bulalaydhyada midabada isku dheehan lahaa, ee cirka loo tuurayay, kuwaas oo socday muda 10 daqiiqa ah. Si la mida ayaa caasimadaha gobalada kale ee Australia looga dabaaldegay.
Dhinaca kale, bilayska Australia, ayaa aad u amaanay sida wanaagsan ee dadku ay sanadkan u qaateen farxadooda sanadka cudub, iyada oo bilaysku ay sheegeen, marka laga reebo dhacdooyin koobnaa oo ay la tacaamuleen, in dadku ay si masuuliyad leh ay u dabaaldageen.