New Zealand offer to Australia to take in offshore asylum seekers will still be on the table

New Zealand Pm Jacinda Ardern reiterates her country's offer to house refugees.

New Zealand PM Jacinda Ardern reiterates her country's offer to house refugees. Source: World Vision/AAP

Raiisul wasaaraha New Zealand ayaa sheegtay in dalkeedu diyaar ula tahay Australia inay qaadato magangalyodoonka lagu hayo xeryaha dibada. RW ayaa sheegtay in taasi wali miiska u saaran tahay haddii Australia ay doonayso.

Tan ayaa imanaysa iyadoo madaxda dalalka Pcifigu ay ku shirayaan jasiirada Nauru oo sidoo kale ka mid ah goobaha lagu hayo magangalyodoonka.

Wasiirada cusub ee arimaha dibada Australia Marise  Payne ayaa la filayaa inay dhigeeda Mew Zealand kula kulanto darafaha shirka Nauru.

Ms Payne ayaa matalaysa RW Scott Morrison oo aan isagu ka qaybgalayn shirka.

Lagasoo bilaabo 2013 New Zealand waxay diyaar u ahayd inay qaadato 150 qof oo ku xiran jasiirada Manus ee PNG laakiin marwalba waxaa diidanaa dawlada Australia oo ku doodaysay in haddii ay ogolaadaan ay kuwa dadka tahriibiya u isticmaalayaan dariiq dadka kusoo tahriibiyaan iyagoo ku leh haddii Australia ku qaadan waydo New Zealand ayaa lagu gaynayaa.

RW  Jacinda Ardern ayaa wariyaasha u sheegtay in New Zealand wali diyaar ula tahay haddii Australia ogolaato in magangalyodoonkaas aan deganaansho siino.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand