Watch FIFA World Cup 2026™ LIVE, FREE and EXCLUSIVE

New Zealand oo duufaano daran ku dhuteen iyo Australia oo gurmanaysa

Duufaano daran ayaa ku dhuftay wadanka New Zealand, tan oo lagu tilmaamay iney tahay mid qarnigiiba mar la arko.

new zealand wellington

Arial view of New Zealand wellington. Source: Pixabay

Wadanka New Zealand ayaa waxaa hal mar ku dhuftay duufaan aad u daran oo qarnigiiba mar la arko.

Duufaanta Gabrielle ayaa shalay arbacadii (15/02/23) ku dhufatay jasiiradda waqooyi iyadoo sidatay dabaylo xawaarahoodu gaadhay ilaa 140 kiilo mitir saacaddii.

Ugu yaraan shan qof ayaa dhimatay, balse waxaa laga cabsi qabaa in tiradaasi ay kor u kacdo, maadaama nadiifinta ay bilaabatay.

Ra'iisul wasaaraha cusub ee New Zealand Chris Hipkins ayaa sheegay in Duufaanta Gabrielle- oo ku dhufatay Jasiiradda Waqooyiga - ay tahay dhacdo cimilo oo aan la arag mudo qarniya.

Xukuumada Ra’iisul Wasaare Chris Hipkins ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, iyadoo lagu tilmaamay duufaantan iney tahay tii saddexaad ee taariikhda New Zealand soo marta.

Dhinaca kaleete Australia ayaa ka jawaabtay codsigii New Zealand uga yimid ee ahaa ka qaybqaadashada gargaarka musiibada duufaanta.

Australia waxay u diri doontaa gurmad degdega wadanka New Zealand si ay uga jawaabto Duufaanta Gabrielle, tanoo aha duufaantii ugu xumayd muddo tobanaan sano ah.

Raiisel wasaare Chris Hipkins ayaa sheegay in shan kooxood oo Australian ah oo qiimeynta saameynta musiibooyinka u xilsaaran in ay u safri doonaan New Zealand toddobaadkan si ay uga caawiyaan Hay'adda Maareynta Degdegga ah ee Qaranka samatabbixinta iyo kasoo kabashada saamaynta duufaanta.


2 min read

Published

Source: SBS


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now