Taageerada RW oo hoos u dhacday.
Cod aruurintii u danbaysay ayaa muujinaysa in tirada dadka aaminsan inuusan shaqo fiican qaban ay ka bateen kuwa aaminsan inuu shaqo fiican hayo. Waana markii u horeeyay ee tirada aan taagerin RW ay ka bataan kuwa taageersan.
Cod aruurintan oo la qoray axadii jaraaidka The Australian ayaa lagu sheegay in soo dhawayntii cusuybka ee RW ay hadda dhamaatay iyadoo 41% ay ku qanacsan yihiin howsha uu hayo RW Scott Morrison halka 44% aysan ku qanacsanayn shaqada uu hayo.
Taageerada loo hayo dawlada Turnbull ayaa sidoo hoos u dhacday iyadoo marka labada xisbi loo eego uu Laborku ku hogaaminayo 54 iyo 46 oo dawlada ah.
Yuhuud nacaybka Maraykanka
Ururada aan dawliga ahayn oo u ololeeya la dagaalanka Yuhuud nacaynbka ayaa ka digay in dadka nacaybkaas qaba ay a guureen inay ahaayeen kooxo yar oo dibada ka jooga bulsho waynta hadase ay bulsho waynta qayb ka yihiin.
Madaxa Anti-Defamation League oo ah koox u hadasha bulshada Yuhuuda Jonathan Greenblatt ayaa hadalkaas jeediyay mar uu ka hadlayay 11 qof oo lagu dilay iyagoo ku cibaadaysanaya Pittsburg.
Ninka looga shakisan yahay inuu falkaas ku kacay oo ah 46 jir Robert Bowers ayaa sidoo kale dhaawacay 6 qof oo kale oo ay ku jiraan askar boolis ah.
Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay weerar ay ku dhinteen dadkii uga badnaa oo lagu beegsaday bulshada Yuhuuda Maraykanka.
Haya’da la dagaalanka musuqmaasuqa federalka
Xildhibaanada madaxa banaan ayaa sheegay inay u isticmaalayaan miisanka awooda oo ay haystaan inay ku doonaan asaaska hay'ad la dagaalanka musuqmaasuq oo federal ah.
Hadalkan ayaa yimid iyadoo xildhibaanada madaxa banaan Cathy McGowen ayaa usii digtay inay soo bandhigidoonto hindise sharciyeed lagu abuurayo hay'ad federal ah oo la mid ah tan ka jirta NSW oo loo yaqaan ICAC.
Xildhibaan kale oo madax banaan Andrew Wilkie ayaa sheegay in xildhibaanada madaxa banaan ay u isticmaali doonaan tiradooda aqalka hoose inay waxka badalaan siyaasada dawlada.
Jamal Khashoggi
Dacwad oogayaasha Sacuudiga ayaa la kula kulmidooa dhigooda Turkey Istanbul. kulankan ayaa qayb ka ah baaritaanka socda ee lagu baarayo dilkii jamal Khashoggi.
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyib Erdogan ayaa maalintii Jimcada ku dhawaaqay in kulankan uu dhicidoono laakiin ma bixin faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan waxa laga wadahadli doono.
Mr Erdogan ayaa sidoo kale ku celiyay baaq uu hore ugu diray Sacuudiga oo uu ku doonayay in sheegaan halka lagu aasay Mr Khashoggi iyo in Riyadh ay usoo gacangaliso 18 nin oo lala xariirinayo dilka si loogu maxkamadeeyo Turkey.
Turkey ayaa sii kordhisay baaritaanka ay ku hayso qunsuliyada Sacuudiga asbuucii lasoo dhaafay iyadoo suaalo waydiisay 38 qof oo ka shaqeeya qunsuliyada walxo shaybaarna ka qaadatay ceel iyo halka wasaqdu marto uu ku yaal beerta qunsuliyada.