Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Nin 78 jira oo ku dhintay daadadka South Australia

Bilayska SA ayaa soo helay maydka nin 78 jira, kuna dhintay daadad xoogan oo kasoo fatahay wabiga Murray.

News

Flooding occurs in the town of Lismore, northeastern New South Wales, Monday, 28 February, 2022. Source: AAP

Bilayska South Australia ayaa soo helay maydka nin waayeela oo ku dhintay daadadka ka socda South Australia.

Maalintii Isniinta waxyar kadib 1.30 galabnimo, ayaa adeega degdega ah looga yeeray Casson Ave ee Loxton, ee koonfur bari ee SA, iyadoo oday waayeel ah la rumeysnaa in lagu la'yahay daadad ku teedsan wabiga Murray.

Bilayska maxalliga ah, oo ay caawinayaan ciidanka gurmadka degdega ee South Australia iyagoo watay doomo, ayaa bilaabay baarida ninkaas lala’ayahay iyagoo ka baarayey biyaha daadaka teedsanaa dhulkaas ilaa iftiinkii ugu dambeeyay ee maalinimadii Isniintii ka hor inta aysan dib u bilaabin baaritaankooda subaxnimadii Talaadada 10 Jan. 23.

Bilayska biyaha dhunbada ayaa soo saaray meydka odayga 78-jirka ah wax yar ka hor 8:30 subaxnimo ee Talaadada, iyagoo maydka ka helay biya daada oo ka fatahay Murray River.

Booliisku waxay cadeeyeen inaysan jirin xaalad laga shakiyo oo khuseeya geerida ninkaas waayeelka ah.


1 min read

Published

Source: SBS


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now