Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Nin reer Victoria ah oo laga helay COVID-19

Victoria recorded two new locally acquired coronavirus cases as high-risk exposure sites were revealed.

Victoria recorded two new locally acquired coronavirus cases as high-risk exposure sites were revealed. Source: Getty Images AsiaPac

Ninkan reer Victoria ah ayaa laga helay coronavirus kadib markuu ku soo dhamaystay karantiil hoteel gobolka South Australia markaasna dib ugu soo noqday gurigiisa oo ku yaal xaafadaha woqooyi ee Melbourne.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka Victoria ayaa lagu sheegay inay socoto jawaab buuxda oo laga bixinayo kayska oo shalay dhacay.

Ninkan oo 30 meeyo jir ah ayaa dhawaan ka soo noqday dalka dibadiisa kuna qaatay karantiilka hoteel gobolka SA, sida laga soo xigtay Wasaarada Caafimaadka Victoria.

"Wuxuu yimid Victoria oo uu ku soo laabtay gurigiisa oo ku yaal Wollert bishan May 4 teeda, wuxuuna isku arkay calaamadaha lagu garto xanuunka 8 bisha. Wuxuu is baaray 10 bishan May, markaas ayaa laga helay xanuunka saaka." ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaarada ayaa sheegtay in ninkan la waraysanayo lana xaqiijindoono goobaha uu booqday oo ay dhici karto in xanuunku ku faafay.

Ninkan ayaa hadda gurigiisa ku karantiilan, waxaa sidoo kale la karantiilay dadka la degan ama la kulmay, sida qoraalka lagu sheegay.

Wasaarada ayaa sheegtay inay la shaqaynayso maamulayaasha gobolada kale si loo ogaado halka ninkan uu ka soo qaaday xanuunka.


1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now