Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Nin (Somaliya) la xidhay kadib markii looga shakiyay in Melbourne uu falal argagixisanimo ka fulin rabay.

Nin (Somaliya) la xidhay kadib markii looga shakiyay in Melbourne uu falal argagixisanimo ka fulin rabay.

Australian Federal Police, Acting Deputy Commissioner Ian McCartney (Left) and Victorian Police, Deputy Commissioner Shane Paton addresses the media (AAP)
Source: AAP

Wiilka la xiray ayaa bolisku ku timaamen in uu 20 jir yahay, isagoo laga soo qabtay guri ku yaala xaafada Werribee saacadu markay ahayd  sadexdii galabnimo ee maalintii Isniinta 27/11/2017.

Poliska ayaa  sheegay in wiilku uu ku dhashay Australia, balse waalidkiisu ay kasoo jeedaan Somalia.

Sida lagu sheegay warbahinta, wiilka qabashadiisa waxaa iska kaashadeen  Saraakiisha  Poliska Victoria,  Poliska Federalka  iyo Hayada Sirdoonka Australia. 

Kuxigeenka Madaxa Poliska Gobalka Victori/ Shane Patton, oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in wiilkan sababta loo qabtay ay tahay “ in uu qorshaynayay in uu weeraro banaanka Federation Squarka ee Melbourne, gobalka Vic, waqtiga dabaaldagyadau ay ka soconayaan habeenka sanadka cusub 2018.

Polisku waxaa kale oo ay sheegeen in wiilkani uu helay buug ay  al-Qaacida soo saartay oo ay ku dhigantahay macluumaad ku saabsan sida loo fuliyo  fal argaggixisannimo iyo sida loo adeegsado qoryaha

Polisku waxay sheegeen, wiilka la qabtay haatan in loo hayo si su’aala looga waydiiyo danbiyada lagu soo eedeeyay,  oo ay ka mid yihiin qorshayn in uu fuliyo weerar argagixiso iyo xog uruurin sidii uu fududayn lahaa falal argagixisanimo.


1 min read

Published

Updated

By Mohamed Madar


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now