Nin xaaskiisii ku weeraray seef xaafada Wacol ee galbeedka Brisbane labo sano ka hor ayaa 10 sano oo xabsi ah lagu xukumay.
Muhumed Samow Ali, oo 53 jir ah ayay xeer beegto maxkamada sare ku heleen danbiga ah isku day dil bishii Maarso.
Muhumed Samow Ali ayaa gaari uu watay ku dhuftay gaarigii ay wadatay haweentu kadib markuu kasoo raacay tareen station ku dhawaa bishii Sebtember 2015.
Haweenta oo 45 jir ah ayuu wax ku dhuftay 7 jeer iyadoo isku dayaysay inay baxsato.
Waxaana gaaray burbur madaxaa iyo seefta oo jeexday jirkeeda intii weerarku socday.
Intii kaysku socday ayaa maxkamada loo sheegay in dad goobta weerarku ka dhacay joogay inay caagaga waaweyn ee qashinka lagu rido iyo alaabo kale in lagu tuuray ninkan si haweenta looga celiyo.
Markii xukunka la ridayayna xaakimad Roslyn Atkinson ayaa sheegtay inay jireen dad goob joogayaal ahaa markii weerarkan fulaynimada iyo wuxuushnimada socday.
Xaakimada ayaa intaa ku dartay in "Weerarkan uu ahaa danbi lagu galay meel bablig laguna qaaday haweenay aan isdifaaci karin oo rabtay inay xiriirka ninkaas kala dhexeeyay joojiso"
"Waxay kaliya oo ay samaynaysay waa inay howleheeda caadigaa wadatay oo ay caruurteeda ku tuurtay tareenka" ayaa lagu yiri.
Xaakimad Atkinson ayaa sheegtay in haweentu ay xaq u leedahay inay ninka iska furto iyadoo wax cabsi ka qabin in gacan ka hadal lagaga aarsado"
"Dadka si geenimo ku jirto usoo faragaliyay oo aan ku amaanayo ayaa falkan joojiyay oo nolosheeda badbaadiyay" ayay tiri Xaakin Atkinson.
Ali ayaa qirtay inuu gaariga u isticmaalay qatargalin iyo inuu hub ku qaatay meel bablig ah iyo gacansaar sharidaro ah laakiin wuxuu dafiray danbiga wayn oo ah isku day dil.
Kadib labo maalmood oo maxkamdu socotay xeer beegtada waxay ku qaadatay inay xukunka ku ridaan ninkan in ka yar 4 saacadood.
Ben Power oo ahaa qareenka difaacayay Ali ayaa maxkamada u sheegay in Ali uu ku dhashay baadiye faqri ah wadanka Soomaaliya.
Dacwad oogaha Sarah Farnden ayaa maxkamada u sheegtay inuu jiray heer u diyaargarow ah inuu fuliyo falkan sababtoo ah seeftu waxay ugu jirtay gaariga.
Waxay intaa ku dartay inuusan joojin weerarkan uu gaysanay ilaa dad kale ka qabteen.