Dab ka qarxay gobalka New South Wales, ayaa burburiyay 70 dhismayaal, oo ay ka mid tahay xarun can ahayd oo la dhigi jiray baabuurta guri ahaanta loo adeegsado (caravan).
Sida la sheegay, waxaa wali sii holcaya 19 dab, oo 12 ka mida ay faraha ka baxeen, oo la xakamayn la'yahay.
Premierka gobolka NSW Gladys Berejiklian, ayaa sheegtay in xukuumadeedu in ay samayni doonto wax kasta oo lagu caawinayo dadka kuwaxyeeloobay dabkaas.
Ra'iisulwasaare Malcolm Turnbull, ayaa la filayaa in uu gaadho goobaha khasaaraha ba'ani ay ka dheceen ee Koonfurta-bari ee NSW.