NSW oo isu-duwe u saartay arimaha daadadka gobolka

Dawlada Gobolka New South Wales ayaa isuduwe u magacowday dadaalada gargaarka looga jawaabayo daadadka ka dhacay woqooyi bariga gobolka.
 
 
Ku xigeenka taliyaha booliska gobolka Mal Lanyon ayaa la wareegi doona xilkan loo bixiyay isuduwaha dib usoo kabashada gobolka oo hogaamindoona nadaafada iyo howlgalada gargaarka ee gobolka Northern Rivers.
 
Taliye ku xigeenka ayaa sheegay inuu sida ugu dhaqsaha badan u bilaabayo xilka loo dhiibay, uuna qorshaynayo inuu tago aagaas maalamaha soo socda.
 
"Mid ka mid ah arimaha ugu muhiimsan waa inaan isku dayayno inaan dadka sida ugu dhaqsaha badan noloshoodii dib ugu soo celino. Kooxaha badbaada ayaa goobaha qaar u fasaxaya inay dadku ku soo laabtaan, dibu kabashaduna sida ugu dhaqsaha badan u bilaabato. Laakiin sida aan qabo xilkaygu hadda ayuu bilaabanaya, waana inaan la shaqeeyo bulshada."
 
Dhanka kalana dawlada gobolka ayaa sheegtay inay qorshaynayso in magaalada Casino ka furto xaruntii shanaad ee dibukabashada barito oo arbaco ah.
 
Ku xigeenka Premierka NSW Paul Toole ayaa sheegay in xarumahan ay door wayn ka qaadan doonaan dadka wax walba ku waayay daadadka maadaama hay'addo badan oo kala duwan ay ka caawinayaan sida ugu badali lahaayeen dukumiintiyo muhiim oo uu ku jiro laysanka sidoo kalana laga caawindoono araajida guryaha.
 

Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
NSW oo isu-duwe u saartay arimaha daadadka gobolka | SBS Somali