NSW oo kaysaska COVID-19 ku sii kordhayaan

Health authorities say the growing Delta coronavirus variant in Sydney's east is at a critical phase

Health authorities say the growing Delta coronavirus variant in Sydney's east is at a critical phase Source: AAP

New South Wales ayaa laga diiwaan galiyay 11 kays oo cusub oo gobolka gudihiisa lagu kala qaaday kadib markii ay xanuunka iska baareen dad gaaraya 48 kun oo qof.

 Ilaa iyo hadda 36 kays ayaa lala xariirinayaa qofkii ugu horeeyay ee laga helay COVID-19 ee xaafadda Bondi.
 
Nin 40 meeyo jir ah oo laga helay ayaan wali lala xariirin kays kale ama kaysaska Bondi.
 
Waxaa sidoo kale la diiwaan galiyay kays kale oo ah qof hoteel ku karantiilaan.
 
Dr Natalie Klees oo ka tirsan Wasaarada Caafimaadka NSW ayaa sheegtay in haraaga COVID-19 laga helay bulaacadaha wasaqda oo la baaray.
 
"Wasaarada Caafimaadka NSW oo sii wada barnaamujka baaritaanada bulaacadaha ayaa dhawaan la ogaysiiyay in haraadiga COVID-19 laga helay Bulaacadaha xaafadaha Castle Hill Glenhaven, Rouse Hill, Cronulla iyo Bellambi. Wasaaradu waxay kaloo la socotaa in dad dhawaan laga helay COVID-19 ay ku karantiilan yihiin xaafadahaas," ayaa tiri Dr Natalie.
 

Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
NSW oo kaysaska COVID-19 ku sii kordhayaan | SBS Somali