Premierada New South Wales ayaa sheegtay gobolku wajahayo caqabado, waxayna ku dhiiragalinaysaa dadweynah inay amaankooda ilaaliyaan inta lagu jiro labada todobaad ee xanibaadaha.
Gobolka ayaa laga diiwaan galiyay 18 kays oo cusub oo COVID-19 24 saacadood ee u danbeeyay, taas oo xanuunka Bondi kla dilaacay uu gaaray 130 kaysas laga soo bilaabo markuu bilowday.
Gladys Berejiklian ayaa xasuusinaya bulshada inay u badan tahay in kaysku sii kordho inkastoo ay tiradu maanta ay hoos uga dhacday tii shalay.
"Waxay u baahan tahay in qofkasta uu waxa saxda ah uu sameeyay, taas weeye caqabadu, sharcigu waa jiraa. Waan garanaynaa sida dadku amaan ku noqon karaan." ayay tiri Premieradu.
Dadka degan goobaha xanibaada lagu soo rogay ayaa loo ogol yahay inay guryaha uga baxaan inay soo gadanayaan waxyaalaha daruuriga ah, jimicsi, caafimaad, shaqo iyo waxbarasho.