Booliska gobolka NSW ayaa sheegay inay aaminsan yihiin mayd laga helay guri ku yaal bartamaha magaalada inuu xiriir la leeyahay nin la qabtay kadib markii haweeneey midi galiyay.
Taliyaha booliska NSW Police Michael Fuller ayaa sheegay in ninka la xiray uu masuul ka yahay dilka gabar 21 jir ah oo boolisku sheegeen inay yaqaaneen.
Ninka la xiray ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu mindi ku galiyay haweenaye 41 jir ah hoteel ku yaal bartamaha Sydney.
Haweentaas ayaa cisbitaalka loo qaaday iyadoo xaaladeedu degan tahay.
Booliska ayaa sheegay in macluumaad laga helay ninkan lala xaririnayo fikrado argagixiso laakiin uusan wax xariir ah la lahayn kooxo argagixiso.
Taliyaha booliska NSW Micheal Fuller ayaa sheegay inaysan hadda dhacdadan cid kale u raadinayn.