Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

NSW Premier Mike Baird Resigns

NSW Premier Mike Baird resigns

NSW Premier Mike Baird speaking during the NSW Liberal State Council in Sydney, Saturday, Oct. 22 2016.  (AAP Image/Dean Lewins) NO ARCHIVING
NSW Premier Mike Baird Source: AAP

Premierka gobolka NSW Mike Baird ayaa ku dhawaaqay inuu siyaasada ka fariisanayo isagoo sheegay in cidii badali lahayd lagu dhawaaqidoono asbuuca soosocda.

"10 sano oo aan dadweynaha u shaqeeyay, 3 oo aan ahaa qasnajiga iyo 3 sano oo aan ahaa Premier, waxaan isleeyahay inay waqti ku haboon tahay in xilka dhiibo ayuu ugu sheegay Sydney, wax yar kadib markuu si lama filaan ah warbaahinta bulshada usoo dhigay inuu siyaasada ka fariisanayo.

 

Xaalada caafimaad oo la xariirta qoyskiisa ayaa go'aanka ka ahaa isagoo la tashaday xaaskiisa Kerryn ayuu yiri Mr Baird.

"Wax badan ayaad uga tanaasulaysaa shaqada dadweynaha" ayuu yiri Mr Baird isagoo ilin ka socoto xaaskiisa iyo sadexda caruurtaana intii uu socday shirka jaraaid.

Mr Baird ayaa sidoo yiri "Aaabahay, hooyaday iyo walaashay waxaa haysta xaalado caafimaad, runta hadaan is=diin sheegana mararka qaar waxaa xanuun igu hayay inaan waqti la qaadan karin"

Xisbiga Liberalka ayaa hogaamiye iyo Premier cusub doorandoona  marka ay shiraan asbuuca soosocda, waxaana la filayaa in qasnajiyada Gladys Berejiklian ay qababto xukunka.

Mr Baird ayaa sheegay in go'aanka uu isaga casilay "premiernimada gobolka dalka ugu fiican waa siduu hadalka u dhigaye" uusan ahayn mid sahlanaa laakiin uu yimid waqti ku haboon.

 


2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now