Nuxurka warmurtiyeedkii ka soo baxay Dhuusamareeb

Shirka dhuusameer

Source: dhacdo

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaar, oo ku shirsanaa Magaalada Dhuusamareeb, ayaa ku heshiiyay in Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ay noqoto doorasho dadban oo degaamaysan.

War-murtiyeed ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo kaashanaya Dowlad Goboleedyada, ay fududeeyaan dhismaha guddi xulis ah, oo ka imaanaya odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka soo jeeda Beesha kursiga wadaagta, islamarkaan xildhibaan kasta ay soo doortaan 301 ergo.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu xusay, in Dowlad Goboleed kasta laga sameeyo ugu yaraan afar Deegaan doorasho, iyadoo Cod-bixiyaasha 3-dii ilaa 5-tii kursi oo hal magaalo yaal ay doorasho wada yaal, oo ay si wadajir ah ugu codayn doonaan dhammaan musharrixiinta xisbiyada ku tartamaya kuraastaas.

Sida heshiiska ku cad, degaannada aan amniga ahayn waxaa doorashadooda loo wareejin karaa deegaanno kale oo amni ah, halka Kuraasta Somaliland lagu dooran doono hannaankii hore ee doorasho dadban.

Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka, waxaa isna soo dooran doona Baarlamannada Dowlad Goboleedyada Dalka, waxaana doorashada lagu geli doonaa hannaanka xisbiyada badan.

Heshiiska ay wada gaareen Madaxda heer Federaal iyo 3 ka mid ah 5 maamul goboleed oo Dhuusamareeb ku shirsan, waxaa loo gudbin doona sida warmurtiyeedka lagu qoray  Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka, si ay sharci uga dhigaan.

Shirka waxaa ka maqnaa Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ,waxaase War-murtiyeedka lagu sheegay in Madaxda shirsan ay ka go’antahay xal u helidda tabashooyinka Puntland iyo Jubaland, si ay shirka ugu soo biiraan.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand